Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Deni Sadex dhaliil baa hoggaamintiisa hor taagan
    Somalia

    Deni Sadex dhaliil baa hoggaamintiisa hor taagan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 22, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Loolanka Siyaasadeed ee Wadanku waa hab Beeleed,waxaana hormuud u ah Daarood iyo Hawiye.

    Xasan sida uu udhaqmay,waxay fashilisay Siyaasadii iyo Siyaasiga kasoo jeeday Beesha Hawiye.

    Dalku,waxuu gaari doonaa 2026,iyadoo laga fogaaday hogaaminta Siyaasi kasoo jeeda si gaar ah Beesha Abgaal.

    Waxaa fursad weyn ubanaanaan doontaa Siyaasiga Beesha Daarood,waxaana 80% la filayaa in uu ka imaan doono Madaxweynaha badali doona Xasan Shiikh.

    Ninka Daarood ee loo baahan yahay Somali in uu hogaamiyo,waa in uu noqdaa…..

    1.Nin dajin kara Qabyaalada Xasan karkariyay.

    2.Nin masuul ah oo Hawiye iyo Dir ay ku aamini karaan amnigooda iyo dhaqaalahooda.

    3.Nin musuqiisu xad leeyahay.

    4.Nin qabkiisa iyo fahamkiisa qaranimo uu sareeyo.

    5.Nin Daarood isku hayn kara oo matalaad leh.

    Deni astaamahaas,waxuu ka leeyahay 65%,waana Ninka ugu dhow Ragga hada la tilmaamayo.

    Sadex Qodob oo kale,ayaa agyaal oo loogu hakanayo,kuwaasoo kala ah…

    B.In ay dhab ka tahay raadinta Kursiga Villa Somaliya.

    T.In uu heli karo Dhaqaale uu ku hawlgalo.

    J.In uu heli karo taageero miisaan leh oo ka danbaysa.

    Balse haduusan wax ka badalin Sadex Dhaqan oo uu leeyahay,si fudud,ayuu uliminayaa fursadahaas…

    B.Kasbasho la’aanta Dadka haldoorka ah

    T.Haysasho la’aanta Dadka haldoorka ah.

    J.Is go’doominta xad dhaafka ah.

    Puntland,waxay ubaahan tahay Siyaasi miisaan leh oo 2026 ka gadmi kara,kaasina waa Isaga.

    Ugu yaraan,waa in uu Kursiga kusii fadhiyaa ilaa 2026 si awooda Kursigu uga saacido Olalihiisa Doorasho.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.