Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Safiirka cusub Ee Ingiriiska oo lagu soo dhaweeyay Puntland
    Somalia

    Safiirka cusub Ee Ingiriiska oo lagu soo dhaweeyay Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 29, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe : 29, July 2023 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire. Michael Nithavrianakis.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Safiirka Dowladda Ingiriiska ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta Safaarada Ingiriiska iyo Dowladda Puntland, Arrimaha Dowlad dhiska Soomaaliya, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Ingiriisku ka fuliso Puntland iyo sidii Dowladda UK uga qayb qaadan lahayd dhamaystirka hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland ee Doorashooyinka, Safiirka Dowladda Ingiriiska Michael Nithavrianakis ayaa boggaadiyey horumarka ka socda Puntland gaar ahaan talaabada Puntland horay u qaaday ee Dimuqraadiyadda.

    Madaxweynaha waxaa kulanka kala qaybgalay, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada DPL iyo La-taliyaha Madaxweyne Arrimaha Dimuqraadiyadda.

    -DHAMMAAD-

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.