Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»XOG: Deni & Sirdoonka Israel ‘MOSSAD’ oo ku kulmaya dalka Jordan
    Somalia

    XOG: Deni & Sirdoonka Israel ‘MOSSAD’ oo ku kulmaya dalka Jordan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 15, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta u amba-baxay safar uu ku marayo dalal dhowr ah, kuwaas oo u tagayo arrimo kala duwan.

    Idilnews, ayaa horey u tabisay in Madaxweyne Deni uu tagi doono dalalka Itoobiya, Imaaraatka Carabta iyo Kenya, safarkiisa ayaana isugu jira mid shaqo iyo arrimo gaar ah.

    Xubno kamid ah dadka u dhow ayaa dabayaaqadii todobaadkii hore u socdaalay Dubai si ay u qabanqaabiyaan socdaalka Madaxweynaha. Dhanka kale, Xog cusub oo ay heshay Idilnews ayaa sheegaysa in MW Siciid Deni uu tagi doono dalka Jordan, halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono xubno iyo saraakiil katirsan sirdoonka Israa’iil.

    Lama oga waxyaabaha ay ka wadahadli doonaan labada dhinac, balse kulankan oo ay fududeysay dawladda Imaaraatka Carabta, ayaa noqonaya kii labaada ee dhexmara MW Deni iyo saraakiisha sirdoonka Israa’iil, waxaana sida xoguhu sheegayaan ay horey uga wadahadleen kor u qaadidda tayada sirdoonka Puntland iyo wadashaqeyn dhow oo dhexmarta Hay’adda Sirdoonka Puntland (PISA) iyo sirdoonka Yahuuda ee MOSSAD, taas oo Israa’iil ay fulisay qeyb kamid ah is afgaradka.

    Puntland oo ah mandiqada istiraatiiji ah, ayaa waxaa loolan adag ugu jira quwadaha adduunka, Imaaraatka Carabta oo malaayiin dollar ku bixiya bishii amniga deegaanka ayaana u muuqda gacanta dhexe ee xiriirinaysa dhinacyada.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.