Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa ka socda saaka Laascaanood ?
    Somalia

    Maxaa ka socda saaka Laascaanood ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 21, 2023Updated:August 21, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wararka laga helayo xarunta gobalka Sool ee Laascaanood ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka soconayaan magaaladaas, oo muddo kabadan 8 bilood ay ku dagaalamayaan maleeshiyaadka maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka ee SSC-KHAATUMO.

    Dhaqdhaqaaqyada ayaa yimid kaddib markii maalmihii lasoo dhaafay maleeshiyaadka maamulka Somaliland ee ku jira Goojacade ay tiro madaafiic ah kusoo tuurayeen Laascaanood. Mid kamid ah madaafiicda Somaliland ayaa ku dhacay goob uu sugnaa Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi oo kamid ah suugaanyahanada Soomaalida ugu magaca dheer.

    Hoggaanka Taliska ciidamada SSC ayaa maalmo kahor lagu sameeyay isbedel, iyadoo Taliyaha howgalinta ciidamada loo magacaabay Gen. Cabdirashiid Qodhab oo kasoo jeeda gobalka Mudug.

    Isagoo shalay kahor hadlayay ciidamada deegaanka, ayuu Hoggaamiyaha SSC-KHAATUMO ee dhowaan la doortay sheegay in maamulka Somaliland ay la geli doonaan dagaalo culus oo looga saarayo godadka ay ka qoteen Goojacade, waxaana uu ciidamada ku dhiirageliyay muhiimada halganka iyo in ay u diyaargaroobaan.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.