Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faransiiska oo diiday inuu la baxo safiirkooda Niger ee la cayriyey
    Somalia

    Faransiiska oo diiday inuu la baxo safiirkooda Niger ee la cayriyey

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 29, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in danjiraha dalkiisa u fadhiya Niger, aanu dalkaas ka bixi doonin.

    Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa, iyada oo milateriga xukunka dalkaas la wareegay ay amar ku siiyeen danjiraha inuu dalkaas ka baxo.

    Macron oo ka qayb galay shir ay isugu yimaadeen danjirayaasha Faransiiska ee dalalka caalamka, ayaa sheegay Isniintii in Danjire Sylvain uu ku sii sugnaan doono dalkaas, inkasta oo cadaadis badan la saaray.

    Madaxweynaha ayaa ku gacan saydhay walaaca laga muujinayo, halista ka dhalan karta, haddii la qaadan waayo amarka madaxda milateriga ee Niger, balse Macron ayaa ku adkaysanaya in “siyaasadda uu ku dhaqmayo inay tahay tan saxda ah”.

    Wasaaradda arrimaha debedda ee Niger ayaa Jimcihii ku amartay danjiraha Faransiiska u fadhiya dalkaas, inuu ku baxo muddo 48 saacadod ah. Tallaabadaas oo ay wasaaraddu qaaday, ka dib markii uu danjiruhu diiday inuu la kulmo madaxda cusub ee inqilaabka kula wareegtay awoodda Niger.

    Madaxweynihii hore ee Niger Bazoum iyo qoyskiisa ayaa xabsi guri ku jira, tan iyo bishii July ee sannadkan.

    Niger ayaa ahayd dal uu hore u gumaysan jiray Faransiisku, waxaana dalkaas ka jooga Faransiiska, ciidamo gaadhaya illaa 1,500 oo askari, kuwaas oo ka caawiya ciidamada dalkaas, hawlaha la dagaalanka kooxaha hubaysan.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.