Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Karaash oo xalay ku hoyday Laascaanood
    Somalia

    Madaxweyne Karaash oo xalay ku hoyday Laascaanood

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 30, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xalay ku hoyday xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, kaddib markii uu shalay gaaray jiidaha hore ee ciidamada difaaca Sool ku sugan yihiin ee duleedka magaalada Oog.

    Karaash ayaa noqonaya masuulkii ugu sareeyay ee ka socda Puntland oo soo gaara Laascaanood muddo 16 sano ah kaddib. Xalay, kulamo ayuu la qaatay hoggaanka SSC iyo Isimadda dhaqanka, kuwaas oo ay ka wadahadleen masiirka deegaanka iyo 8 bilood oo dagaal ah kaddib halka loo jiheynayo deegaanka.

    Madaxweyne kuxigeenka ayaa shalay ka sheegay Yagoori in Puntland ay ka go’an tahay difaaca dadkeeda iyo deegaankeeda, isagoo ugu baaqay bulshada Sool adkeynta midnimada iyo muwaafaqada oo uu tilmaamay in ay horseeday guusha laga gaaray cadowga.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.