Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Afar Qarax oo hal habeen ruxay Sweden
    Somalia

    Afar Qarax oo hal habeen ruxay Sweden

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 31, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Afar qarax ayaa saacad gudaheed ruxay magaalooyin ku yaalla dalka Sweden, sida ay booliska sheegeen, ayada oo dalka uu la tacaalayo sare u kaca rabshadaha la xiriira burcadnimada.

    Abaare 1:00 am, booliska magaalada Gothenburg ayaa helay warbixino ku saabsan laba qarax oo ka kala dhacay laba guri oo kala duwan, oo ay u dhaxeysay 10 daqiiqo.

    “Labada goob-ba waa la xiray, waxaana socda baaritaano,” ayey booliska yiraahdeen ayaga oo intaas ku daray in khubarada bamka loogu yeeray goobta.

    “Ma jiraan wax warbixino ah oo ku saabsan dad dhaawacmay, kaliya qalab ay waxyeello gaartay,” ayey yiraahdeen booliska.

    Saacad kadib, laba qarax oo ay daqiiqado u dhaxeysay ayaa ka kala dhacay magaalada Norsborg ee duleedka koonfureed ee Stockholm iyo magaalada Nykoping, oo 100 km koonfur ka xigta caasimadda.

    Labada kiisba, booliska waxay sheegeen in cidna aanay wax ku noqon. Dhammaan afarta qarax ayaa ka dhacay dhismooyin ay shacab degan yihiin.

    Sweden ayaa sanadihii dhowaa la tacaaleysay inay xakameyso toogashooyinka iyo bambooyinka, ayada oo burcad uu ka dhaxeyo dagaal ganacsi daroogo ay kala aargudanayaan.

    Hase yeeshee booliska Gothenburg ayaa AFP u sheegay inaan weli la go’aamin sababta ka dambeysay labad qarax ee ka dhacay magaalada.

    Sanadkii 2022, Sweden waxaa ka dhacay 90 qarax, iyo 101 kiis oo isku day qaraxyo ama diyaarin ah, sida ay sheegeyso xogta booliska.

    Sannadkan illaa 15-kii August, waxaa la diiwaan geliyey 109 qarax.

    Booliska ayaa horey u sheegay in bambooyinka inta badan loo adeegsado in lagu cabsi geliyo bartilmaameedyada, halka toogashooyinka loo adeegsado in lagu dilo loogana takhaluso cadowga.

    Dalka ayaa laga diiwaan geliyey 391 toogasho 2022, kuwaas oo 62 ka mid ah ay ahaayeen dhimasho, taasi oo 45 boqolkiiba ka sarreysa sanadkii ka horreeyey, sida ay ku warrameyso xogta booliska.

    AFP/VOA

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.