Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland iyo Beesha Caalamka Oo Nayrobi ku kuwada hadlay
    Somalia

    Puntland iyo Beesha Caalamka Oo Nayrobi ku kuwada hadlay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 3, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    NAIROBI- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
    Wasiirada Qorshaynta iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtoyada ee Dowladda Puntland oo maal mahaan hawlo shaqo u joogay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya,ayaa halkaas kulamo gaar gaar ah kula yeeshay Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka iyo hay’ado ka hawl gala Dalka Somaliya,gaar ahaan Puntland.

    Waftiga oo ka kooban Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane Mohamed Said Faroole, wasiiru Dowlaha Madaxtoyada Mudane Cabdifitaax Cabdinuur iyo Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa shirar la qaatay: Safiirada Sweden, Denmark, kuxigeenka Safiirka Jarmalka, masuuliyiin ka socda barnaamijyada horumarinta, xasilinta iyo arrimaha bini’aadanimada ee Denmark, Norway, Jarmalka iyo FCDO UK sidoo kale masuuliyiin ka socota mashruuca RCRF ee Bangiga Adduunka iyo hay’adda GIZ.

    Shirarka,ayaa diiradda lagu saaray…

    1. Arrimaha bini’adantinimo iyo xasilinta Gobolka Sool

    2. Mashaariicda horumarinta, gaar ahaan JPLG,
    mashaariicda adeegyada aasaasiga ah (caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo adeegga cadaaladda iyo amniga), doorashada hal cod iyo hal qof ee Puntland, casriyeynta hannaanka Maaliyadda iyo kastamyada Puntland, Mashruuca horumarinta Booliska ee JPP iyo guud ahaan horumainta dhaqaalaha.
    3. Arrimaha Federaalka iyo barnaamijka Deyn cafiska Soomaaliya.

    Shirarka ayaa ku soo dhammaaday guul.

    Baahintii

    Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.