Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay salka ku heysaa xiisadda cusub ee Algeria iyo Morocco?
    Somalia

    Maxay salka ku heysaa xiisadda cusub ee Algeria iyo Morocco?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 4, 2023No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Inta aanan u dhaadhicin xiisaddan cusub, waxaa xusid mudan in dalalka Algeria iyo Morocco oo ah laba waddan oo carbeed oo dhaca Waqooyiga Africa, ay safaaradaha kala rarteen sannadki 2021-ki.

    Waxaa intaasi dheer, in xuduuddaha labadan waddan ee deriska ah ay xirnaayeen tan iyo sannadki 1994-ki. Sababta ayaa ah in xiriirka labada waddan uu tan iyo xorriyadahoodii ahaa mid aad u dabacsanaa.

    Sababta ugu weyn ayaa ah in Algeria ay taageertay jabhadda hubeysan ee Polisario ee u dagaallanta madax-bannaanida dhulka Saxaraha Galbeed ee Morocco.

    Saxaraha Galbeed oo u dhigma kalabar dhul-weynaha Morocco, ayaa astaan u ah boqortooyada Morocco. Dowladda ayaa dhiig ka xigta sii deynta dhulkaasi.
    MAXAY SALKA KU HEYSAA XIISADA CUSUB
    Ciidanka badda ee Algeria ayaa lagu eedeeyay in Talaadadi aanu kasoo gudubnay ay rasaas ku fureen, shan nin oo u dhashay Morocco, kuwaas oo doonyaha dheereeya ee raaxada si qaldan ugu dusay xeebaha Algeria.

    Raggaan ayaa ka baxay magaalo xeebeedka Seydiya ee dalka Morocco oo ah magaalo dhacda xad badeedka labada waddan.

    Maxamed Kissi, oo ka badbaaday shilkaas ayaa warbaahinta le360 ee dalka Morocco u sheegay, in ay ka war heleen rasaas ay kusoo rideen ciidanka badda Algeria iyaga oo aanan bixin wax digniin ah.

    Kissi, ayaa sheegay in rasaasta ay markiiba ku dhinteen walaalkiis Bilal oo 29 jir ahaa iyo Abdelcaali Mashyur oo 40 jir ahaa, halka Ismaacil Sanabi uu gacanta u galay ciidanka badda Algeria.

    MAXAY LABADA MAAMUL KU JAWAABEEN

    War Axaddi shalay kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Algeria ayaa lagu sheegay, in ciidanka badda ay rasaas digniin ah ku rideen dhalinyaradaasi reer Morocco, ka hor inta aanan si toos ah rasaasta loogu furin doonyaha soo galay biyaha Algeria.

    Mas’uuliyiinta Morocco ayaa sheegay in aysan ka hadli karin kiiskan, iyaga oo ku tilmaamay arrin garsoor. Dacwad oogaha Morocco ayaa sheegay in ay baarayaan “dhacdada gacan ka hadalka ah”.

    Maxamed iyo Bilaal Kissi, oo ay weheliyaan Ismacil Isnabi oo loo malaynayo in la xiray, ayaa isku heystay dhalashada Morocco iyo Faransiiska.

    Golaha Xuquuqul Insaanka Qaranka Morocco ayaa cambaareeyay dilka, waxayna ku baaqeem in la sii daayo Snabi oo ay sheegeen in si deg deg ah markiiba ay maxkamad ku xakuntay 18 bilood oo xabsi ah.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa sheegtay, in ay ka war heshay dhimashada mid ka mid ah muwaadiniinteeda iyo in mid kale lagu hayo Aljeeriya ayna la xiriirtay qoysaska iyo mas’uuliyiinta Morocco iyo Algeria.

    Meydka Bilaal Kissi ayaa waxaa helay kaluumeysato Marooko ah, waxaana lagu aasay meel u dhow magaalada Wajdah ee bariga Morocco Arbacadii, sida ay xaqiijuyeen qoyskiisa.

    Xigasho: Reuters.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.