Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Waftigii Dawlada Fadaraaalka ka socday oo loo diiday Cadaado iyo wafti mucaaradka D.Fadaraalka ah oo lagu soo dhaweeyay
    Somalia

    Waftigii Dawlada Fadaraaalka ka socday oo loo diiday Cadaado iyo wafti mucaaradka D.Fadaraalka ah oo lagu soo dhaweeyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 28, 2017Updated:September 28, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Xaaf ayaa illaa amar dambe lagu joojiyay duulimaadyada ka imaanayay Muqdisho, marka laga reebo kuwa heyโ€™adaha sama falka iyo diyaaradaha u socda AMISOM.

    Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka maamulka Cadaado, Wasaaradda Amniga iyo Heyโ€™adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay in la joojiyay duulimaadyada ka imaanaya Muqdisho.

    Arrintan ayaa ka dambeysay, markii ay soo baxday in wafti ka socda Xukuumadda Soomaaliya ay maanta oo Khamiis ah ku wajahan yihiin Cadaado.

    Madaxweynaha Xaaf ayaa ku tilmaamay imaanshahooda in uu ka dhalan karo dhibaato dhanka ah Amniga, dhaqaalaha iyo siyaasada ah.

    Markii si kale loo dhigo joojinta Xaaf ka joojiyay in Diyaaraduhu kusoo dagaan Garoonka Cadaado waxay ka dhigan tahay hor istaag uu hor itsaagayo waftiga ka socda Dawlada Fadaraalka oo maanta la qorsheeyay in uu gaaro halkaas,maadaama uu u arko in ay dhinac yihiin isagana kasoo horjeedaan.

    Dawlada Fadaraalka ayaa la safatay garabka Carabey iyo Gacal Casir ,iyadoo aqoonsatay xilka qaadis ay koox Xildhibaano ah sheegeen in ay ku sameeyeen Xaaf.

    Xaalka Cadaado ayaa dagan maanta waxaana wali dhaqdhaqaaqu ka xiran yahay Carabey iyo Gacal Casir oo ku jira wax u dhigma Xabsi Guri.

     

     

     

    Halkan hoose ka akhriso:-

     

    Dhanka kale Xaaf ayaa kusoo dhaweeyay Cadaado wafti ka kooban Xildhibaano labada Aqal ee Fadaraalka ka tirsan,kuwaasoo u badan mucaaradka Dawlada Khayre qaybna ka ah khilaafka Cadaado ka taagan,hoos ka daawo muuqaalka soo dhaweynta waftigaas iyo arimaha ay sheegeen in ay u yimaadeen Cadaado.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.