Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xasan Shiikh oo abaabulaya Guluf rogaal celis ah oo uu ku qaado argagixisada
    Somalia

    Xasan Shiikh oo abaabulaya Guluf rogaal celis ah oo uu ku qaado argagixisada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 11, 2023Updated:September 11, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Weerarkii hore,waa ku jabay,waxaana Dhimasho,Dhaawac iyo wax la waayay noqday ku dhawaad 2500-Askari.

    15-kun oo Askari,ayuu abaabushay oo la Aaday Galgaduud si uu ugula dagaallamo argagixisada ubadan Beeshiisa oo lagu qiyaasay in ay dhan yihiin 6500-Maleesiyo.

    Dhanka argagixisada,waxaa xogaha la helayo ay sheegayaan in ay iska difaaca weerarkaas ku waayeen ku dhawaad 2000-Maleesiyo ah.

    Jabka ku dhacay Maleeshiyadii iyo Ciidamadii uu abaabulay Madaxweynaha Fadaraalka,waxaa sabab u ahaa Laba arimood oo kala ah….

    1.Dhaqaale loo qaybiyay Saraakiisha Ciidamada oo ka kala yimid Qadar,Ganacsato Xamar joogta iyo Shabaab laftigooda.

    2.Beelaha aan ahayn Beesha Madaxweynaha oo ka gadooday Hubkii iyo Gaadiidkii oo uu gaar usiiyay Beeshiisa,waxaana la sheegay in 29-Gawaarida dagaalka ah ay qaadatay Beesha Abgaal,halka 100-BKM uu Qoor-qoor ugu dhiibay Beesha guud ahaan Beesha HG,kuwaasoo aysan waxba ka gaarin oo Qoor-qoor kala bar leexsaday intii kalena uqaybiyay Beeshiisa hoose.

    Hadalkii Waare,ayaa la aaminsan yahay in Madaxweynuhu usoo dhiibay oo uu ku helay taageero iyo Abaabul cusub.

    Haatan,waxuu wadaa weerar rogaal celis ah oo 5-Jiho ah ka imaanaya,waxuuna saxay khaladaadkii dhacay,isagoo Beelaha ula fariistay Beel-Beel una qaybiyay Saanadii..

    1.Xawaadle,waxuu siiyay Hal Jiho oo 40-km ah in ay ka hawlgalaan.

    2.Sacad,Dir iyo Saleebaan,waxuu siiyay Jiho.

    3.Cayr oo hal Jiho.

    4.Abgaal iyo Murursade oo Jiho ah.

    5.Ciidanka Dowlada oo daba socda.

    Waxaa kor ka taageeraya Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka.

    Xasan haduu kasoo adkaado argagixisada Beeshiisa ee ah tan ugu badan uguna khatarta weyn,waxay noqonaysaa Shaqo fiican oo uu qabtay una galaysa taariikhda kana siinaysa mudnaanta Madaxweynihii ka horeeyay ee aan waxba ka qaban la dagaallanka argagixisada.

    Siyaasada loolankeeda,waa wax Maxaliya oo Somalida ka dhaxeeya,waxaase khatar weyn ah argagixisada.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.