Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»FARIISINTA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA BAYLA EE GOBOLKA KARKAAR.
    Somalia

    FARIISINTA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA BAYLA EE GOBOLKA KARKAAR.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 18, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Bayla, September 17, 2023: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa daahfuray Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka Degmada Bayla ee Gobolka Karkaar.

    Madasha xasaanadsiinta Golaha Deegaanka Degmada Bayla ee Gobolka Karkaar waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Mudane Cabdi Siciid Cismaan, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar G/se Xuseen Cali Maxamuud, Nabaddoono, Haween, Dhalinyaro, Waxgarad Degmada Bayla ee Gobolka Karkaar iyo hawlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Haweenka Dowladda Puntland.

    Waa tillaabo horey loogu qaaday dhammeystirka hannaanka doorashadii hal cod iyo hal qof ee qabsoontay 25-kii May 2023 kana dhacday 30 Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Puntland.

    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Maxamed Cali Faarax Farmayeeri ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Degmada Bayla ee Gobolka Karkaar ee ku yimi habka is bahaysiga Xisbiyada Siyaasadda Puntland sida uu qabo qodobka 29aad farqaddiisa 2aad.

    Sidoo kale, Agaasimaha,ayaa u hambalyeeyey dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Bayla ee la doortay, kuwaas oo maanta yeeshay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeenka hogaamin doona 5-ta sano ee soosocota.

    Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay u mahadcelinayaa cidkasta oo ka qayb qaadatay qabsoomidda doorashooyinka hal cod iyo hal Qof, sida ururada Siyaasada, Guddigii kumeel gaarka ahaa ee doorashooyinka Puntland (TPEC), daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, bahda Warbaahinta, ciidamada amniga, ururada bulshada iyo guud ahaan shacabka reer Puntland.

    Dhammaad

    Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025
    Latest Posts

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.