Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa kasoo baxay kulanka Natanyahu iyo Biden?
    Somalia

    Maxaa kasoo baxay kulanka Natanyahu iyo Biden?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 21, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden,ayaa Arbacadii kula kulmay magaalada New York ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, si uu ugala hadlo qodobo ay ka mid yihiin tallaabooyinka deegaan ballaadhsiga ah ee ay Israa’iil ka waddo daanta galbeed ee la haysto, iyo isku dayada uu doonayo inuu wax kaga bedelo nidaamka garsoorka ee dalkaas, kuwaas oo dhaleecayn xooggan kala kulmay shacabka dalkaas.

    “Waxaan doonaynaa inaan ka wada-hadalno qaar ka mida arrimaha ugu ad-adag” ayuu yidhi madaxweyne Biden, isaga oo u digay Netanyahu, inkasta oo uu markale dib u xaqiijiyey in taageerada Maraykanka ee Israa’iil inay tahay “mid gun dheer”.

    Hoggaamiyayaasha Israa’iil ayaa caadiyan lagu casumi jiray aqalka cad ee dalka Maraykanka, toddobaadyo ka dib marka ay xilka qabtaan, hase ahaatee kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee Biden uu la yeesho Netanyahu, taasoo ku soo beegmaysa, sagaal bilood ka dib markii uu ra’iisal wasaaraha Israa’iil soo dhisay xukuumaddiisa dhinaca midig u janjeedha.

    Mowqifyada ad-adag ee xukuumadda Netanyahu ee ay kula dhaqmaan shacabka Falastiin iyo dedaaladiisa uu doonayo inuu hoos ugu dhigo awoodaha garsoorka ayaa keenay in Biden uu dib u dhigo kulanka uu la qaadan lahaa Netanyahu.

     

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.