Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qarax ka dhacay Magaalada Beledweyn Ee Gobolka Hiiraan
    Somalia

    Qarax ka dhacay Magaalada Beledweyn Ee Gobolka Hiiraan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 23, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ilaa Labaatan Qof oo badankood shacab ah,ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qarax Gaari xamuul loo adeegsaday oo galinkii dambe ee maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

    Dadka goobta ku dhintay waxaa ka mid ah Qoys degganaa meel u dhow barta Kayntarool.

    Sidoo kale Qaraxa,ayaa waxaa ku gubtay kaalmo Shidaal iyo Goobo Ganacsi oo ku yaalla hareeraha Laamiga.

    Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada,ayaa muujinaya burbur baaxad leh oo gaaray dhismooyinka ku ku yaalla goobta uu qaraxu ka dhacay, oo lagu sheegay meel ay ku yaalaan Makhaayado iyo Dukaamo ganacsi oo mashquul badan.

    Qaraxan,ayaa jugtiisa laga maqlay guud ahaan magaalada Beledweyne iyo nawaaxigeeda, waxaana la arkayay qiiq madow oo cirka isku shareeray.

    Waxaa kaloo Aagga Qaraxu ka dhacay laga maqlayay Rasaas xooggan.

    Magaalada Beledweyne,ayaa lagu tilmaamaa magaalada 2-aad ee ay ka dhaceen Qaraxyada ugu badan ee argagixiso marka laga soo tago Muqdisho.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.