Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Xoghayihii Caafimaadka ee Maraykanka oo is casilay
    Somalia

    Video:-Xoghayihii Caafimaadka ee Maraykanka oo is casilay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 30, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xog-hayihii Caafimaadka Dowladda Mareykanka Tom Price ayaa jagadii uu hayay iska casilay kadib markii uu la kulmay cadaadis xoogan oo ku aadan in diyaarado Khaas ah uu ku aaday safaro shaqo iyadoo la adeegsanayo lacagta dadweynaha.

    ย Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa aqbalay iscasilaadda xoghayihiisa caafimaadka Tom Price kaasi oo ay ku cadaatay eedeymaha loo so jeediyey.

    Donal Jey Trump oo ka hadlayay dhacdadani ayaa muujiyay ย in uu aad uga xumaaday ficilka wasiirkani,isagoo tilmaamay isticmaalka diyaaradaha gaarka loo leeyahay ee wasiirkan in aysan la jaan qaadeyn ballanqaadyadii Trump ee xilligii uu ku jiray ololaha doorashada, taasina keentay in wasiirka uu waayo xilkiisa.

    Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in ku xigeenka xoghayaha caafimaad Don J Wright si ku meelgaar ah loogu magacaabay xilka uu baneeyay Tom Price.

    Tom Price ayaa horay raaligelin uga bixiyay inuu 26 jeer diyaarado khaas ah ku safray tan iyo bishii May ee sanadkan, kharashka safarradaasina uu gaaray 400,000 oo doolar oo laga bixiyay khasnadda dowladda.

    Ilaa 3 xubnood oo katirsan Wasiirada Xukuumadda Washington ayaa waxaa ku socoda baaritaano arrimahani la xiriira kuwaasi oo wajihidoona cawaaqib kan lamid ah haddii lagu helo falkaasi,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.