Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay kaga wada hadli doonaa Biden iyo Xi kulankooda?
    Somalia

    Maxay kaga wada hadli doonaa Biden iyo Xi kulankooda?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 10, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Joe Biden ayaa markii ugu horreysay muddo sannad ah si fool-ka-fool ah ula kulmi doona Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping Arbacada soo socota, sida uu sheegay Aqalka Cad, iyagoo ka wadahadlaya dublamaasiyad heerkeedu sarreeyo oo lagu doonayo in lagu xakameeyo xiisadda u dhexeysa labada quwadood ee adduunka ugu awoodda badan.

    Kulankan oo si dhow siha loogu wada hayo, dhici doono inta uu socdo shir-madaxeedka Iskaashiga Dhaqaalaha APEC) oo furmay magaalada San Francisco Bay, wuxuu socon karaa saacado, kaas oo sidoo kale ay ka qeybgali doonaan saraakiil iyo mas’uuliyiin ka kala socda Beijing iyo Washington.

    Waxaa la filayaa inay ka hadlaan arrimaha caalamiga ah oo ay ugu horreyso dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, duulaanka Ruushka ee Ukraine, xiriirka North Korea iyo Ruushka, arrinta Taiwan iyo guud ahaan gobolka Indo-Pacific, xuquuqda aadanaha, darooga fentanyl-ka, sirdoonka macmalka ah, iyo sidoo kale ganacsi ku dhisan caddalad, sida uu sheegay saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Biden.

    “Waxba dib looma dhigi doono; wax walba miiska ayay saaran yihiin,” sida laga soo xigtay Sarkaal Mareykan ah oo diiday in magaciisa la xigto.

    Saraakiisha Maraykanka, muddo sannad ah riixayay in shirkan la qabto, ayaa aaminsan in Beijing ay si firfircoon uga shaqaynayso sidii ay u wiiqi lahayd siyaasadda Maraykanka ee caalamka.

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.