Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Weerarkii argagixisada ee Canada oo lagu Eedeeyay Nin Somaliya
    Somalia

    Weerarkii argagixisada ee Canada oo lagu Eedeeyay Nin Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 3, 2017Updated:October 3, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Nin Soomaali ah oo qaxooti ku ahaa Canada ayaa lagu oogay dacwad ah in uu geystay shan fal dembiyeed oo uu ka mid yahay iskuday dil.
     
    Ninka ayaa lala xiriirinayaa weerarkii Sabtidii ka dhacay magaalada Edmonton ee gobolka Alberta.
     
    Cabdullahi Xasan Shariif oo 30 sano jir ah, wuxuu sidoo kale wajahayaa in si halis ah uu gaari u kexeeyay iyo in uu hub haystay.
     
    Shan qof, oo uu ka mid yahay askeri boolis ah oo shaqo ku jiray, ayaa ku dhaawacmay weerarka.
     
    Maamulka ayaa sheegay in ninkan laga shakisan yahay uu sidoo kale wajahayo dacwado la xiriira argagixisanimo. Cabdullahi ayaa la sheegay in booliska ay ku ogaayeen ‘fikradaha xagjirnimo ee uu aaminsan yahay.’
     
    Calan la sheegay in uu yahay midka ururka la baxay dowladda Islaamka ayaa laga helay gudaha gaariga loo adeegsaday weerarka lagu dhaawacay askeriga.
     
    Sabtidii, dareewalka weerarka qaaday ayaa gaari ku dhuftay askeri lagu magacaabao Michael Chernyk. Ka dib ninka wuxuu middi ku duray askeriga wuuna baxsaday.
     
    Askarta ayaa markaa ka dib, guri ka soo saaray gaari, waxayna ogaadeen in qofka guriga kireystay iyo midka weeraray askeriga ay isku mid yihiin.
     
    Gaari kale ayuu ku baxsaday, booliska ayaana ceysaday. Afar qof oo shacab ah ayuu gaariga ku dhuftay xilligii is ceyrsiga.
    Booliska ayaa dhammaan arrimahaas ku tilmaamay kuwo si ula kac ah uu u sameeyay.
     
    Laba qof oo shacab ah oo dhaawacantay ayaa weli cisbitaal ku jira, mid ka mid ahna xaalad xun ayuu ku jiraa.
     
    Askeriga ayaa ka soo kabsanaya dhaawacyadii gaaray.
    Ra’iisul wasaare Justin Trudeau ayaa weerarka ku tilmaamay mid ‘argagixiso’, wuxuuna sheegay “in uu aad uga walaacsan yahay, kana xanaaqay ficilka xadgudubka ah ee aan dareenka lahayn”.
     
    Cabdullahi Xasan Shariif ayaa la filayaa in maanta uu ka soo hor muuqdo maxkamad. Waxaa si rasmi ah loogu oogi doonaa dacwado oo iskuday dil uu ku jiro.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.