Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maka badbaadayaa Putin isticmaalka Hubka Niyukleerka?
    Somalia

    Maka badbaadayaa Putin isticmaalka Hubka Niyukleerka?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 1, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u digay dalalka reer Galbeedka, isaga oo sheegay in ay bilaabayaan dagaal loo adeegsado hubka nuclearka haddii ay ciidamo u diraan dalka Ukraine. Waxa uu sheegay inuu haysto hub uu ku weerari karo bartilmaameedyo ku yaalla Galbeedka.

    Isaga oo ku guda jira khudbadda sanadlaha ah ee xaaladda dalka, ayaa Putin uu yiri dalalka ree Galbeedka ahi “waa inay garowsadaan in annaguna aan haysanno hub duqeyn kara goobo xuduudihiinna ku yaalla. Arrimahan oo dhammi waxay keenayaan khatar ah in hub nuclear ah la adeegsado iyo burbur uu ku yimaadda ilbaxnimooyinka. Intaa ma ayna fahmin miyaa?”

    In kasta oo xulufada Ukraine ee reer Galbeedka ahi ay Kyiv u diraan saanad milatari, laakiin midkoona wali ma oran waxaan dirayaa ciidan ka garab dagaalama kuwa Ukraine.

    Hase yeeshee, horraantii toddobaadkan ayaa madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu sheegay in, in kasta oo aanu jirin qorshe meel yaalla oo ciidan reer Galbeed ah lagu dirayo si ay Ukraine uga dagaallamaan, haddana ay suurto gal tahay.

    Waxa uu yiri “Ma jiro heshiis maanta yaalla oo si rasmi ah oo la isla qaatay oo ciidan loogu dirayo. Hase yeeshee, sida ay wax u socdaan, waxba meesha lagama saari karo.”

    Dhowr madaxda reer Yurub ah ayaa ka hor yimid soo jeedinta Macron ee ciidan-dirista. Maraykanka ayaa isna tallaabadaas oo kale qaatay. Dalka Ukraine, xubin kama aha NATO, sidaas darteed xulufada reer Galbeedku kuma khasbana inay iyada difaacaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.