Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ethiopian Airlines oo joojisay duullimaadyadii mari jiray hawda Soomaaliya
    Somalia

    Ethiopian Airlines oo joojisay duullimaadyadii mari jiray hawda Soomaaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 1, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa ku dhawaaqday inay joojisay duullimaadyadii ay ku mari jirtay hawada Soomaaliya, kuwaasi oo tagi jiray dalalka Aasiya.

    Duullimaadyada diyaaradaha shirkadda ee tagi jiray dalalka Aasiya ayaa waxay markii hore sii mari jireen hawada Soomaaliya, taasi oo imika ay shirkaddu sida ay sheegtay joojisay.

    Maamulaha guud ee shirkadda diyaaradaha Itoobiya Mesef Tase oo BBC la hadlay ayaa yiri, “shirkadda ayaa go’aankan gaartay, sababtoo ah ma aysan helin “adeeg duulista hawada” oo ammaan ah taasi oo aysan ka helin maamulayaasha hawada Soomaaliya.

    Ato Mesfen ayaa sheegay in go’aankooda uu sidoo kale la xiriiro dhacdadii ka dhacday hawada Somaliya bartamihii bishii aanu soo dhaafnay.

    Iyadoo la raacayo hab-dhaqanka caalamiga ah, waxaanu ku wargalinnay hay’adaha duulista rayidka ee ay qusayso marka shil noocan oo kale ahi dhaco, waxaa lagu wargeliyay hay’adaha duulista rayidka Soomaaliya iyo Itoobiya,” ayuu u sheegay BBC-da. Balse, wuxuu intaas ku daray inaysan illaa hadda wax jawaab ah ka bixin arrintan.

    Ato Mesfen ayaa xusay in dhacdadii Sabtidii ay ka dhigtay shirkadda Ethiopian Airlines inay qaadato go’aankan sababo la xiriira ammaanka iyo badqabka hawada Soomaaliya.

    “Sidaa darteed, maalin ka dib dhacdadani oo dhacday Axaddii, Febraayo 17/2024, waxaan shaaca ka qaadnay in Ethiopian Airlines ay go’aansatay inay joojiso isticmaalka hawada Soomaaliya.

    Mr Mesfen ayaa farta ku fiiqay in maaddaama uusan jirin adeeg la isku haleyn karo dhinaca hawada (Soomaaliya) ay isticmaali doonaan waddooyin kale iyada oo la eegayo bad-qabka.

    Madaxa shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ayaa sheegay in diyaaradihii hawada Soomaaliya u adeegsan jirtay duullimaadyadii ay ku tagi jirtay dalalka Aasiya ay hadda duullimaadyadooda mari doonaan dhanka hawada dalka Jabuuti.

    Waxa uu intaa ku daray in diyaaradda Ethiopian Airlines ay hawada Jabuuti isticmaalayso “iyada oo uusan qarash dheeri ah kaga bixin”.

    Ato Mesfen ayaa hasa yeeshee caddeeyay in duullimaadyadii ay diyaaradaha shirkadda ku tagi jireen Muqdisho iyo Hargeysa uusan waxba iska baddalin oo ay sidoodii yihiin islamarkaana aysan wax dhibaato ah ka jirin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.