Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Sudan iyo Somaliya oo gaaray heshiis iskaashi
    Somalia

    Video:-Sudan iyo Somaliya oo gaaray heshiis iskaashi

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 6, 2017Updated:October 6, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladaha Soomaaliya iyo Sudan ayaa heshiisyo ku kala saxiixday magaalada Khartoum ee dalka Sudan oo uu booqahso ku tagey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

    Heshiisyadan ayaa ku saabsan amniga, iskaashiga caalamiga ah, waxbarashada, beeraha, fanka, ciyaaraha, socdaalka iyo duulista hawada. Diblomaasiyiinta ka hawlgala Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa iyagana tababarro ku qaadan doona dalka Sudan.

    Sida qoraalka Villa Somalia lagu sheegay, fulinta heshiisyadan ayaa waxaa loo xil saaray guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dowladood kuwaas oo yeelan doona kulamo joogto ah.

    Waa heshiisyadii ugu ballaarnaa ee ay galaan taniyo markii uu soo bilowday xiriirka labada dawladood, sida qoraalka lagu yiri.

    Dhanke kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kormeeray warshadda lacagta, gaar ahaan kayd ay ku jirto lacag cusub oo dowladda Sudan ay u daabacday Soomaaliya oo hawsheedu ay soo bilaabatay 2011-kii iyo warshadda Yarmuuk ee soo saarta qalabka ciidamada.

    Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Albashiir, ayaa bogaadiyey wada-xaajoodyada ku aaddan iskaashiga Soomaaliya iyo Sudan,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/D0gdUr3TLeI

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.