Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidanka Sudan oo qabsaday dhismaha warbaahinta Qaranka.
    Somalia

    Ciidanka Sudan oo qabsaday dhismaha warbaahinta Qaranka.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 13, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidanka Sudan,ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in ay la wareegeen xarunta Warbaahinta Dowladda ee Omdurman oo ay Gacanta ku hayeen kooxda Rapid Support Forces (RSF).

    Qabsashada dhismaha Warbaahinta Omdurman ee Wabiga Niil ka xigta xaga Khartuum, ayaa timid ka dib dagaallo culus oo Bilo ka socday agagaarka xarumaha Ciidamada,Buundooyinka, iyo Waddooyinka saadka ee Aagaas.

    Maleeshiyada RSF,ayaa wali Gacanta ku haya Koonfurta iyo Galbeedka Magaalada.

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Soonqaadka,inkastoo dagaallo ay weli sii socdaan.

    Maleeshiyada RSF,ayaa soo dhaweeyay Xabbad joojinta Golaha amaanku ku dhawaaqay,waxaase ka hor yimid Talyaha sare ee Ciidanka oo loo aqoonsan yahay hogaamiyaha Sudan.

    Ciidanka Sudan,waxa ay gaareen guulo maalmihii lasoo dhaafay,iyagoo ka faa’idaysanaya Hub iyo Drones casriya oo ay ka heleen Turkiga iyo Masar.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.