Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sooyaalka loolanka Dowlad dhiska Somaliya Ee PL?
    Somalia

    Sooyaalka loolanka Dowlad dhiska Somaliya Ee PL?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 28, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Burburkii kadib,waxaa layskugu yimid Shirar dhowr ah oo lagu raadinayay in Dowlad loogu dhiso markale Somaliya.

    Ugu danbayn Shirkii Carta,ayaa lagu yagleelay Dowlad Kmg ah oo Somaliyed,waxaana lagu doortay MW Cabdiqaasim Salaad.

    Cabdiqaasim uma suuroobin in uu dego Villa Somaliya,wuxuuna degay Guri caadiya oo ku yaal Magaalada Muqdisho.

    Dowladaas in ay Shaqayso Cadiqaasim iskuma taxalujin xataa Villa Somaliya in uu kala wareego hogaamiye kooxeedkii Beeshiisa ahaa ee haystay,iskabadaa in uu Xamar kusoo celiyo caasimadii Wadanka oo Beeshiisa oo ahayd mida haysatay uu Dowladnimada gaarsiiyo.

    Taa badalkeeda,isagoo Xamar ka degan Guri kira ah,ayuu PL oo ahayd Maamulka kaliya ee utaagnaa dib usoo noolayntii Dowladnimadii Somaliyed ku qaaday weerar Siyaasadeed oo wakhti iyo dhaqaale,wuxuu heli karay u isticmaalay burburinteeda.

    Loolan adag kadib,waa laga badbaadiyay PL,waxaana Kursigii uu ku fadhiyay kala wareegay MW PL ee xiligaas,waxuuna geeyay Dowladii Villa Somaliya,isagoo mideeyay markale Wadankii.

    Sh.Shariif,ayaa yimid,waxuu diiday in la sameeyo Dastuur oo si cad,ayuu PL ula diriray,wayse uga adkaaday loolankii oo Wadankii,waxaa loo sameeyay Dastuur,waana laga saaray Kmg.MW Shariif Gacantiisu ku saxiixay Dastuurkii.

    Waxaa yimid Xasan Shiikh,weerar qaawan,ayuu ku qaaday PL iyo nidaamkii Fadaraalka,wuxuuna hor istaagay dhamaystirkii DG iyo dhismihii JL,loolan Laba Sano socday,waa looga adkaaday Xasan,wuuna aqbalay dhismihii JL iyo dhamaystirkii DG,wuxuuna deg-deg utaagay Galmudug iyo Hir-shabelle si uu ugula loolamo nidaamka dhexdiisa PL.

    Waxaa yimid Farmaajo si la mid ah,wuxuu isku dayay in uu burburiyo Fadaraalka,badalo Dastuurka oo Wadanka uu ka dhigo kaligii talis,wuxuuna weerar ka qaaday PL,balse loolan socday 5-Sano,waa looga adkaaday,waana laga badaabdiyay Dastuurkii iyo nidaamkii Fadaraalka.

    Waxaa yimid Xasan,wuxuuna halkii kasii waday qorshihii la dagaalanka Fadaraalka iyo PL,wuxuuna markan isticmaalayaa dib u eegista Dastuurka.

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.