Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wararkii ugu danbeeyay Daadadka ku dhuftay Jabuti
    Somalia

    Wararkii ugu danbeeyay Daadadka ku dhuftay Jabuti

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 29, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dalka Jabuuti waxaa ku dhuftay daadadkii ugu saameynta badnaa ee dalkaasi soo mara, waxaana la arkay biyo fara badan oo qulqulaya wadooyinka magaalaooyinka kala duwan ee dalkaasi.

    Baraha bulshada ayaa lagu arkay kooxaha badbaadada oo gurmad u fidinaya dhowr qof oo ay biyuhu qaadeen, iyadoo ay jirto tiro dhimasho ah oo aan badneyn, walow dadka ugu badan la soo badbaadiyay.

    Gobolka Carta ayey ka dhacday dhimashada, hase yeeshee daadadka badankood ayaa lagu arkayay gudaha magaalada caasimadda ah ee Jabuuti.

    Kooxaha gurmadka ayaa saacado badan baadi goobayay mid ka mid ah dadka dhintay oo ugu dambeyn meydkiisa la helay, iyadoo xilligaasi ay roobab mahiigaan ah ka da’ayeen gobollada iyo deegaannada ku hareereysan gobolka Carta.

    Sida uu sheegay Taliye Xasan Ibraahim Ismaaciil oo ah madaxa samatabixinta ee Hay’adda iyo Ilaalinta Rayidka, kooxaha gurmadka ayaa aad ugu dadaalaya sidii ay u badbaadin lahaayeen dadka ay daadadku la tagaan.

    Duqa Jabuuti Siciid Daa’uud Maxamed,ayaa sheegay in Jabuti ay la kulantay Roobab mahiigaan ah, taasina ay keentay in magaalada ay biyo badan dhex qul qulaan.

    “Tiro rasmi ah oo ku geeriyootay weli ma hayno, dad badan ayaa isbitaallada la geeyay oo diyaarado lagu daad gureeyay, waxa aan galnay shir deg deg ah, si xaaladda aan gurmad deg deg ah u gelinno, haddeerna heegan ayaan nahay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.