Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Suuqii Saamiyada Denmark oo gubtay
    Somalia

    Suuqii Saamiyada Denmark oo gubtay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 16, 2024Updated:April 16, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dhismaha tariikhiga ah ee Børsen oo xarun u ahaan jirey Suuqa Saamiyada Copenhagen ayaa isku dumay ka dib markii dab qabsaday Talaadadii.

    Dhismahan qadiimiga ah oo la dhisay qarnigii 17-aad ayaa ahaa mid ka mid ah dhismeyaasha ugu faca weyn magaalada Copenhagen, waxaana gebi ahaanba cunay holac jilbaha dhulka ugu dhuftay.

    Wasiirka Dhaqanka Denmark oo warbaahinta la hadlay ka dib gubashadii Børsen ayaa si tiiraanyo ku dheehan tahay uga hadlay taariikhda ku duugan dhismahan iyo waxa uu uga dhignaa dalkiisa.

    “400 oo sano oo hiddihii iyo dhaqankii Denmark ah ayaa horteenna ku basbeelay”, ayuu yiri Engel-Schmidt.

    Dhismaha Børsen oo dhidibada loo taagey sannadkii 1625, wuxuu ku yaal hfagaarer qadiimi ah, isagoo wax tuuryo ka yar u jira aqalka Baarlamaanka Denmark, Khasriga Boqortooyada iyo goobo kale oo muhiim ah.

    Dhismahan oo markii uu gubanayey hooy u ahaa rugta ganacsiga Denmark, waxay dhanka maamuuska kala sinnaa kaniisddii Notre-Dame ee magaalada Paris oo Iyana sidaan oo kale u gubatey sannadkii 2019.Waxaana xusid mudan in labada dhismeba uu dacyactir ku socdey markii ay gubteen.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.