Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»QM oo sheegtay in14-Sano ay qaadan doonto si loo nadiifiyo Qasa
    Somalia

    QM oo sheegtay in14-Sano ay qaadan doonto si loo nadiifiyo Qasa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 27, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Buruburka faraha badan ee uu ka tagay dagaalka Qasa, oo ay ku jiraan walxo aan qarxin,ayaa qaadan kara afar iyo toban sano si loo nadiifiyo, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay.

    Per Lodhamar, oo ah sarkaalka Qaramada Midoobay u qaabilsan wax ka qabadka miinada, ayaa sharaxay in dagaalku uu ka tagay qiyaastii 37-Milyan oo tan oo burbur ah qaybaha dadku ku badan yihiin, “taas oo ah, ku dhawaad 300 kiiloogaraam oo burbur ah halkii mitir oo labajibbaaran.”

    Waxa uu intaa ku daray shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Geneva in inkastoo aan la ogaan karin tirada saxda ah ee hubka aan weli qarxin ee Qasa, haddana uu filayo inay qaadan doonto 14 sano, xaaladaha qaarkood, si looga saaro burburka iyo dhismayaasha burburay.

    “Waan ognahay in inta badan ay jirto ugu yaraan 10 boqolkiiba madaafiicda dhulka ku dhacday oo aan weli qarxin,” ayuu yidhi.

    Qaramada Midoobay,ayaa sheegtay in dagaalka Israa’iil uu Qasa ka dhigay “Jahannamo bini’aadantinimo” iyadoo laga cabsi qabo in macaluul soo food saarto.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    September 26, 2025

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    September 26, 2025

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.