Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Halkee marayaa dadaalka Xabad joojinta Qasa?
    Somalia

    Halkee marayaa dadaalka Xabad joojinta Qasa?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 13, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay Arbacadii in Xamaas ay soo jeedisay isbedello badan oo lagu sameeyo hidisaha xabbad-joojinta ee uu Mareykanku taageeray, waxaana uu sheegay in qaarkood aan la dhaqangelin karin, laakiin dhexdhexaadiyayaashu ay go’aansadeen inay sii wadaan hirgelinta xabbad-joojin ka hirgasha Qasa.

    Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas oo la yiraahdo Osama Hamdan ayaa beeniyay in dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas ay soo bandhigeen fikrado cusub, Isagoo la hadlayay TV-ga Al-Carabi, waxaana uu ku celiyay mowqifka Xamaas ee ah in Israa’iil ay tahay midda diidan soo jeedinta, wuxuuna ku eedeeyay maamulka Mareykanka inuu la heshiiyay waxa uu ugu yeeray saaxiibka dhow.

    La-taliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah isbeddellada ay Hamas soo jeedisay ay ahaayeen kuwo yar “oo aan la filayn” halka kuwa kalena ay si weyn uga duwan yihiin waxa lagu qeexay qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee Isniintii lagu taageeray qorshaha uu soo bandhigay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

    Sullivan ayaa suxufiyiinta u sheegay in Hadafka Mareykanku uu yahay in geeddi-socodkan la soo gunaanadno, isla markaana uu dhammado wakhtiga gorgortanka.

    Xamaas waxa ay sidoo kale doonaysaa in dammaanad qoraal ah ee qorshaha xabbad joojinta ay ka hesho Maraykanka ,sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ay u sheegeen laba ka mid ah hay’adaha ammaanka Masar.

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.