Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Halkee marayaa dadaalka Xabad joojinta Qasa?
    Somalia

    Halkee marayaa dadaalka Xabad joojinta Qasa?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 13, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay Arbacadii in Xamaas ay soo jeedisay isbedello badan oo lagu sameeyo hidisaha xabbad-joojinta ee uu Mareykanku taageeray, waxaana uu sheegay in qaarkood aan la dhaqangelin karin, laakiin dhexdhexaadiyayaashu ay go’aansadeen inay sii wadaan hirgelinta xabbad-joojin ka hirgasha Qasa.

    Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas oo la yiraahdo Osama Hamdan ayaa beeniyay in dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas ay soo bandhigeen fikrado cusub, Isagoo la hadlayay TV-ga Al-Carabi, waxaana uu ku celiyay mowqifka Xamaas ee ah in Israa’iil ay tahay midda diidan soo jeedinta, wuxuuna ku eedeeyay maamulka Mareykanka inuu la heshiiyay waxa uu ugu yeeray saaxiibka dhow.

    La-taliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah isbeddellada ay Hamas soo jeedisay ay ahaayeen kuwo yar “oo aan la filayn” halka kuwa kalena ay si weyn uga duwan yihiin waxa lagu qeexay qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee Isniintii lagu taageeray qorshaha uu soo bandhigay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

    Sullivan ayaa suxufiyiinta u sheegay in Hadafka Mareykanku uu yahay in geeddi-socodkan la soo gunaanadno, isla markaana uu dhammado wakhtiga gorgortanka.

    Xamaas waxa ay sidoo kale doonaysaa in dammaanad qoraal ah ee qorshaha xabbad joojinta ay ka hesho Maraykanka ,sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ay u sheegeen laba ka mid ah hay’adaha ammaanka Masar.

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.