Wadan Somaliya la yiraahdo oo ficiliyan la arki karo miyaa jira?
Dowlad Somaliyed oo macno leh miyaa jirta?
Guusha la gaaray 30-kii Sano ee udanbeeyay,waa in Villa Somaliya Dowlad la geeyay,iyadiina Maanta ayay ugu rajo xun tahay.
Miisaaniyad laguma midoobin 20-Sano kadib.
Canshuur laguma midoobin 20-Sano kadib.
Lacag laguma midoobin 20-Sano kadib.
Magaca Somali,waa ka fashilmay caalamka,waxaana muuqata in uusan soo kaban karin,xataa haday jireen Wadamo dano naga leh oo na dhisayay Maanta niyad nooma hayaan danahoodiina si kalay uraadsadeen.