Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»ANSIXINTA 8 MASHRUUC OO LAGU DHISAYO WADDOOYINKA PUNTLAND.
    Puntland

    ANSIXINTA 8 MASHRUUC OO LAGU DHISAYO WADDOOYINKA PUNTLAND.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 18, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe : 18 July 2024 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, aya shir-guddoomiyey shirka Guddiga Sarre ee Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

    Guddigu wuxuu warbixin iyo qorshe ka dhegaystay Hay’adda Waddooyinka kaas oo ay ku soo bandhigtay qorshaha Dayactirka iyo dib-u-dhiska waddooyinka waxaana Guddigu ansixiyey 8 Mashruuc oo kala ah :-

    1. Dayactirka joogtada ah iyo buuxinta godadka :
    * Boosaaso – Gaalkacyo
    * Garoowe-Laascaanood .
    2. Dhameystirka dhismaha Wadada Cawsane-Hadaaftimo.
    3. Dhameystirka Wadada Lafagorayo (26km).
    4. Dib-u-dhiska Buundooyinka Carmo-Boosaaso (waa 25 Buundo).
    5. Dib-u-dhiska Buundooyinka Xaaji-kheyr.
    6. Dayactirka Garbaha Wadada Garoowe -Sinujiif. (30km ayaa la dayactiraya)
    7. Dhameystirka Wadada Birtadheer-Kalabayr (20Km ayaa laga shaqeynayaa).
    8. Dib-u-dhiska Wadada Xaarxaar- Jalam (12.5km ayaa laga shaqeynayaa) .

    Qorshaha hirgelinta mashaariicda horumarinta Waddooyinkan ayaa lacagta ku baxaysa laga bixin doonaa khasnada Dowladda Puntland, waana Cashuurta dadweynaha oo dalka dib-loogu-celinayo.

    -DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    September 26, 2025

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.