Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso:-Senatarada Aqalka sare ee Baarlamaanka Fadaraalka oo qodobo dhawr ah ansixiyay
    Somalia

    Akhriso:-Senatarada Aqalka sare ee Baarlamaanka Fadaraalka oo qodobo dhawr ah ansixiyay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 26, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta isugu yimid kulankooda 6aad ee Kalfadhiga koowaad ayaa waxay kaga doodeen qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin ansixinta 5-guddi iyo labo Hab-dhowre uu yeelanayo Aqalka sare.

    Kulankan ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyadoo ay soo xaadireen 32 Xildhibaan ee Aqalka Sare.

    Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u soo qabsoomay tan iyo markii la doortay iyo howlaha hor-yaala, waxaana uu hor-dhigay sameynta 5 Guddi KMG ah, iyadoo dood kaddib Xildhibaanada ay ansixiyeen.

    Guddiyada KMG ee la ansixiyay ayaa waxay kala yihiin:-

    Guddiga Amniga
    Guddiga Sameynta Miisaaniyadda Aqalka Sare
    Guddiga Shaqaaleynta Shaqaalaha Aqalka Sare
    Guddiga Sameynta Xeer Hoosaadka
    Guddiga Sameynta Aqalka Sare

    Sidoo kale Xildhibaanada Aqalka sare ayaa ansixiyay labo Hab dhowre ama Nidaamiye oo lagu kala magacaabo C/kaafi Macalin Xasan iyo Fartuun C/qaadir Faarax.

    Ugu dambeyn Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in 5-ta Guddi ee la ansixiyay Guddi walba ay xubin ka yihiin 7 xubnood, waxaana uu faray Guddiyadan in muddo todobaad ah ku soo dhameystiraan howlaha loo xil saaray, kuna soo celiyaan Aqalka Sare si loo ansixiyo.

    Aqal Sare ee Baarlamaanka ayaa ah kii u horeeyay ee ay yeelato Soomaaliya, tan iyo markii ay qaadatay xornimada.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.