Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Gaas ku dhawaaqay gurmad xoog leh Oo ay Puntland udirayso Muqdisho
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Gaas ku dhawaaqay gurmad xoog leh Oo ay Puntland udirayso Muqdisho

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 17, 2017Updated:October 17, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 17 October 2017 kulan aan caadi ahayn la qaatay golaha wasiirada Puntland, kulankaas oo looga arrinsanayey qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho 14 october 2017 iyo sidii gurmad deg deg ah loo gaadhsiin lahaa dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka gadaal shirkaasi warbaahinta la hadlay ayaa marlabaad uga tacsiyeeyey shacabka Soomaaliyeed, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxeen dhammaan dadkii ku nafwaayey qaraxaasi, waxaana Madaxweynuhu uu Alle uga baryey inuu u naxariisto denbigoodana dhaafo samir iyo iimaana Alle kasiiyo dhammaan ummaadda Soomaaliyeed.

    “Waxaa maanta halkan isugu yimid shir aan caadi ahay Golaha Wasiirrada Dawladda Puntland, kulankaas oo lagaga hadlaayey musiibadii qaran ee ka dhacday magaalada Xamar, hore ayaan tacsi uga dirnay arrintaas iyada ah, marlabaad ayaan u tacsiyadaynaynaa eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii dadkii geeriyoodey, Illahay haw naxariisto gacan ka xaqdaran baa dishey, inta dhaawacan Illahay haw booga dayo”

    “Runtii waxa Xamar ka dhacay ma ahayn wax caadiya, dhib weyn ayaa ka dhacday, dhib culus oo Soomaaliya aan hore uga dhicin ayaa ka dhacday, taasi markaa waxay nafaraysaa guud ahaan Soomaali oo dhan meel kastaan joognoba in arrintaasi nagu xoojiso in aanu furno indhaha, in aanu Soomaali hadaan nahay cadawgaas u soo dhaansaday inay Soomaali laayaan, inay dadka xasuuqaan in aanu meel uga soo wada jeedsano majirto cid gaar ah oo ay si gaara u hagardaamaynayaan, ma jirto cidgaaara oo ay si gaara ugu naxariisanayaan cadaw Soomaaliyeed weeye, Cadawga Islaamka weeye” ayuu yiri Madaxweynuhu.

    Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xusay  in shacabka reer Puntland  meelkastay joogaanba diyaar u yihiin inay si mugle uga qayb qaataan taageerada walaalahood ee ay dhibtu gaadhey, sidoo kalena Madaxweynaha ayaa cadeeyey in shirka aan caadiga ahay ee maanta ay yeesheen golaha wasiirrada dawladda Puntland ay kasoo baxday in si deg dega maalinimada berito ay u baxaan gurmadkii u horeyey oo ka kooban daawooyin, dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal caafimaad.

    “dadka reer Puntland si mugle ayey uga qayb gelayaan taageerada walaalahood ee ay dhibtu gaartey, shirkii golaha wasiirradana ee maantana wax yaabihii kasoo baxay ee ugu muhiim sanaa waxay ahayd in si deg dega maalinta berito haddii Illahay yiraahdo ay u baxaan gargaarkii ugu horeeyey oo ka kooban daawooyin, dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal caafimaad si deg deg ah uga hawlgala arinta dadkaas waxyeeladu soo gaartey” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

    Dhiaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa xusay in gudi loo xilsaaray isku dubbarididada, abaabulka iyo isku xirka gurmadka loo fidinaayo shacabka walaalaheen ah ee ku waxyeeloobey qaraxii ka dhacay Muqdisho.

    ” Sidoo kale waxaanu magacawnay guddi ka kooban Golaha Wasiirrada Puntland  oo ay hormuud u yihiin Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Dekeddaha, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda caddaaladda oo hawshaas iyagu hormuud ka noqon doona isku dubbarididda, abaabulka iyo isku xidhka gurmadka walaalaheen” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka reer Puntland ku booriyey, kulana dardaarmay inay meel uga soo wada jeestaan gurmadka loo fidinaayo shacabka walaalahooda ee dhibaatadu soo gaartay, isla markaana ay ciroole iyo dhallinyaroba loo istaago arrintaasi qaran,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/FPHpgg5zcMQ

     

    Halkan ka daawo muuqaalka 2aad

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.