Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kulan khatar ku ah Jiritaanka Qaranka Somaliya Oo xalay ka dhacay Villa Somaliya!!
    Somalia

    Kulan khatar ku ah Jiritaanka Qaranka Somaliya Oo xalay ka dhacay Villa Somaliya!!

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 17, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kulan Caawa ka dhacay Vila Somalia ayaa la isugu yeeray ku dhowaad 20 ruux. Dadkan oo u badnaa qaaqlayaal taageersan Dawlada iyi dad kaloo tiro yar oo culimo iyo odayaal isugu jira ayaa looga hadlay sida ugu haboon oo ay Dawlada uga falcelin lahayd xasuuqii Muqdisho ka dhacay maalintii Sabtiga ah.

    Kulanka oo uu gudoominayey Fahad Yaasiin ayaa rag waxgarad ah soo jeediyeen in fursadan looga faaโ€™iidaysto baadi goob midnimo iyo isku soo dhowaynta Dawlada, Siyaasiyiinta Mucaaradka ah iyo Maamulada Goboladda si ay u fududaato abaabulka Shacabka iyo la dagalaank Alshabaab.

    Laakiin qaaqlayaal ay ka mid yihiin Awliyo, Cali Daacuun, Xildhibaan, C/laahi Taleefan, Maxamad Xaaji Ingiriis ayaa la yimid aragti taas khilaafsan iyagoo sheegay in ay waajib tahay in dagaal lagu qaado siyaasiyiinta Mucaaradka ah iyo madaxda Dawlad Goboleedyada.

    Waxay sheegeen in masuuliyada musiibadii dhacday dusha loo saariyo siyaasiyiinta Mucaaradka ah iyo maamul Goboleedyada, iyo wax ay ugu yeereen dawladaha taageersan.

    Fahad Yaasiin oo markii horeba qaaqlayaalka soo abaabulay ayaa durbadii taladaas aad usoo dhoweeyey, isagoo sheegay in ay adagtahay In dawladu shaqayso inta ay jiraan dadk ka soo horjeeda, sidaas darteedna ay waajib tahay in la iska kaashado wuxuu ugu yeeray cadawga gudaha oo uu ka wado Siyaasiyiinta ka aragtida duwan iyo madaxda Dawlad Goboleedyada. Isagoo ku dooday in Alshabaab ay ka daran yihiin wax uu ugu yeeray dad Cadawga u shaqeeya.

    1- In masuuliyada xasuuqii Sabtigii dhacday laga leexiyo madaxda dawlada oo uusan wax la xisaabtan ah dhicin. Baarlamaanka iyo Siyaasiyiinta arrinkan Dawlada kula xisaabtami lahaydna meel kale loo jeediyo.

    2- Isagoo ka amba qaadaya hadalkii wasiirka Arrimaha Debeda ee Qatar ayuu Fahad Yaasiin doonayaa in eeda dusha laga saaro dawladaha ay Qatar is hayaan ee Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga. Wasiirka Arrimaha Debeda ee Qatar ayaa maanta sheegay in Qaraxii Sabtigii dhacay ay ka danbeeyeen dawlado ka aargudanaya Soomaaliya goโ€™aankii ay Khilaafka Khaliijka ka qaadatay.

    Waa wax lala yaabo ah in iyadoo masiibadii ka dhalatay xasuuqii Shacab weli taagan tahay, iyadoo aan maydkii weli la kala gurin, lana kala garan, iyadoo tacsidii iyo tiiraanyadii weli taalo, iyadoo aduunkii uu tacsi iyo gurmad inoo fidinayo, in Fahad, Kheyre iyo Farmaajo ay ku mashquulsan yihiin dagaalka Siyaasiyiinta iyo Dawlad Goboleedyada.

    Waa ayo cadawga ka wayn Alshabaab ee maanta lala diririyo? maxaase isku soo aadiyey shirkan iyo waraysigii Wasiirka Qatar.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.