Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Gaas Oo si weyn loogu soo dhaweeyay Qardho kana dhagaxdhigay balaarinta isbitaalka Gobolka
    Somalia

    Madaxweyne Gaas Oo si weyn loogu soo dhaweeyay Qardho kana dhagaxdhigay balaarinta isbitaalka Gobolka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 20, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta 20 October 2017 booqasho ugu soo ambabaxay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.
    Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayey oo kasoo kicitimay magaalada Boosaaso ayaa kormeero kusoo maray dhammaan kaantaroolada inta u dhexaysa Boosaaso iyo Qardho, waxaana uu Madaxweynuhu halkaasi kula kulmay ciidamada ka hawlgala goobahaasi, isagoona Madaxweynuhu ka xog waraystay xaaladdooda guud, amni iyo midda gaarka u ahba, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay in markasta xasuusnadaan shaqada baaxaddale ee ay u hayaan shacabkooda.
     
    Madaxweynaha dawladda Puntland oo safarkiisa sii wata ayaa waxa uu kulan la qaatay waxgaradka magaalada Carmo, waxaana ay Madaxweynaha uga xog warameen xaaladda amni iyo horumarba ee magaalada , isagoona Madaxweynuhu ku booriyey waxgaradkaasi inay ka shaqeeyaan nabadda, xasiloonida iyo horumarka magaalada, isla mar’ahaantaana ay ku dedaalaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen xasiloonida iyo kala danbaynta dhammaan degaanada hoosyimaada magaaladaasi.
     
    Madaxweynaha dawladda Puntland iyo weftiga u hogaaminayey ayaa markii ay soo gaadheen degmada Qardho ee gobolka Karkaar waxaa si diiran ugu soo dhoweeyey maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, taliska qaybta gobolka Karkaar, nabadoono, waxgarad, siyasiyiin iyo qaar kamid ah shacabka magaalada Qardho.
     
    “Dad-weynaha reer Qardho, maamulka gobolka iyo kan degmadaba waxaan aad idiinka mahad celinayaa soo dhoweyntii quruxda badnayd ee aad nagu soo dhoweyseen, runtii aad ayaan uga mahadnaqayaa iyadoo jimce ah, waa wanaag iyo soo dhoweyn aan uga baranay dad weynaha degmada Qardho iyo guud ahaan gobolka Karkaarba” ayuu yiri Madaxweynuhu.
     
    Dhinaca kale, Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay cisbitaalka weyn ee degmada Qardho, kaas oo dib loo casriyandoono loona balaadhindoono qayn kamid ah cisbitaalka oo la dhisay sanaddii 1960-kii, waxaana uu Madaxweynuhu Xusay in dhanka caafimaadka uu gobolka Karkaar aad uga wanaagsan yahay hadana loo baahan yahay in markasta kor looqaado, lagana sii wanaajiyo meesha uu hadda joogo.
     
    “Sharaf-weyn bay ii tahay inaanu dhagax dhigno balaadhinta cisbitaalka oo baahi weyn loo qabo, adeega caafimaad ee gobolka runtii aad buu u wanaagsan yahay, haddana waxaan rabnaa intaas inuu kasii fiicnaado, kasii wanaagsanaado, maamulka cisbitaalka, maamulka caafimaad ee gobolka shaqo fiican bay qabteen waana ku amaanaynaa” ayuu yiri madaxweynaha dawladda Puntland.
     
    ” Dhismaha Cisbitaalka waxaa iska kaashan doona dawladda, dadweynaha iyo maamulka gobolka Karkaar, waxaan rajaynaynaa inaanu helno cisbitaal wanaagsan, waxaan rajaynaya inuu ku dhammaado wakhti aan dheerayn, adeega caafimaad ee uu u hayo gobolka iyo degmadaba uu horumaro ayaan rajaynayaa” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.