Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»War-murtiyeed uu soo saaray Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, 21 Oktoobar 2017
    Somalia

    War-murtiyeed uu soo saaray Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, 21 Oktoobar 2017

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 21, 2017Updated:October 21, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Iyadoo laga duulayo xasuuqii ka dhacay Muqdisho 14kii bishaan oo in ka badan 300 qofood oo rayad ah oo aan waxba galabsanin lagu xasuuqay islamarkaana in ka badan 300 kalana lagu dhaawacay iyo saameynta ay tani ku yeelatey arimaha amniga iyo siyaasadda dalka; ayey Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, Soomaaliya waxay soo saareen war murtiyeedkan:

    1. Golaha Iskaashiga wuxuu umada Soomaaliyeed la wadaagayaa murugada iyo tiiranyada ka dhalatey xasuuqii ka dhacay Caasimada Muqdisho, waxayna tacsi u dirayaan dhamaan eheldii, qaraabadii iyo guud ahaan umada Soomaaliyeed, inta dhimateyna waxay ilaahay uga baryayaan in janadiisa ugu deeqo inta dhawaca ahna cafimaad deg dega siiyo.

    2. Wuxuu Goluhu mahad celin balaaran u jeedinayaa dhamman dadka Soomaaliyeed, Wadamada iyo Ha’adaha ka qayb qaatey gurmadka qaran ee loo fidinayo dadkii wax yeeladu ka soo gaartey musiibadii qaran ee ka dhacday caasimada Muqdisho. Golaha iyo xubnahiisuba waxaa ka go’an in ay laban laaban gurmadka qaran ee lagu taageerayo dadkii waxyeeladu ka soo qaartey xasuuqa.

    3. Wuxuu Goluhu ku tilmaamay musiibadan mid aan dadka soomaaliyeed aqbali karin inaan ilaa iyo hadda waxii dhacay aysan cidina masuuliyad daradeeda qaadin, taas oo loo qaadan karo in markii horeba aysan cidina masuuliyadaas haynin.

    4. Wuxuu Goluhu nasiib daro weyn ku tilmaamay in wali xukuumada dhexe ka mashquulsantahay arimihii amniga oo ay xooga saareyso siyaasado dadka iyo dalka lagu sii kala fogeynayo taas oo fursado dheeri ah siinaysa kuwa caadeystey in ay dadk Soomaaliyeed maalin walba xasuuqaan, maadaama aysan muuqanin wax muujinaya in ay jiraan qorsheyaal iyo diyaar garow lagaga hortagayo ama lagu yareynayo ficilada noocaan oo kale ah.

    5. Goluhu wuxuu walaac ka muujinayaa qorshaha xukuumada dhexe ee ay miisaaniyadii amniga iyo tii Dowlad Goboleedyada loogu tala galay ugu leexisay arimo siyaasadeed; ayadoo loo isticmaalayo in beelaha iyo xildhibaanada lagaga hor keenayo madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada; taas oo ujeedada ka danbaysaana tahay in isbadal lagu sameeyo hogaamada Dowlad Goboleedayda si sharci daro ah kadibna meesha laga saaro hannaankii Federalynta.

    6. Wuxuu Goluhu uga digayaa xukuumada dhexe fara galinta qaawan ee ay ku hayso Dowlad Goboleedyada waxaana cad in masuulayada waxii dhib ah ee ka dhasha isku dayga xukumada dhexe hogaaminayso ee xilka loogaga qaadayo sida sharci darada ah Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed ay masuuliyadeeda qaadi doonto Xukumada dhexe.

    7. Waxaa cad in hannaanka faderalaynta ay soo wajahday khatar dhab ah oo keeni karta in dib loogu noqdo deganaasho la’aan siyaasadeed iyo mid amni daro, sidaas darteed waxuu Guluhu ugu baaqayaa Xukuumad dhexe in ay ka fogaato wax kasta oo sii murginaya xaalada siyaasadeed ee cakiran islamarkaana u jeedsadaan xoojinta aminga, dib u heshiisiinta iyo horumarinta Federalaynta.

    8. Ugu danbayn wuxuu Goluhu soo jeedinayaa in la isugu yimaado wadatashi si looga hortago in khalkhal siyaasadeed iyo mid amni daro uu dalka ka dhaco.

    DHAMMAAD..

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.