Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Baarlamaanka oo meel mariyay Xeerka Qareenada Puntland
    Puntland

    Baarlamaanka oo meel mariyay Xeerka Qareenada Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 11, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo Guddomiye Ku-xigeenka 2aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

    Ajendaha fadhigan,ayaa ahaa sii wadista Wax-ka-beddelka Xeerka Qareennada Puntland, oo ay Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka ee Golaha Wakiillada ku sameeyeen isbeddel iyo kaabis.

    Muddo laba maalmood ah ayaa dood qoto dheer lagu falanqeeyay Qodobada muhiimka ah ee xeerka, iyadoo diiradda la saaray Qodobada la tiray ama laga saaray, kuwa cusub ee lagu soo daray, iyo isbeddellada lagu sameeyey xeerka.

    Xeerkan oo muhiim u ah shaqada qareennada, waxa uu xoojin doonaa ku dhaqanka sharciga iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, isaga oo siinaya qareennada awood ay si madaxbannaan ugu shaqeeyaan.

    Xildhibaanada Golaha Wakiillada,ayaa Qodob Qodob ugu codeeyay 30-Qodob oo ka mid ah Xeerka.

    Waxaa xeerka laga tiray 14-Qodob ama laga saaray xeerka, 4-Qodob oo cusubna lagu soo daray, halka 28-Qodob lagu sameeyey wax-ka-beddel iyo kaabis. Wasaaradda Cadaaladda, Ururka Qareennada, iyo hay’ado kale ayaa gacan ka gaystay diyaarinta iyo dib u eegista xeerkan, si loo hubiyo tayadiisa iyo waafaqsanaantiisa shuruucda gobolka iyo kuwa dalalka dariska ah.

    Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa uga mahadceliyey xildhibaanada iyo dhammaan hay’adaha ku lugta leh hawsha dib u eegista xeerkan. Waxa uu ku boorriyay xildhibaanada in ay sii wadaan shaqooyinka muhiimka ah ee horyaalla Golaha.

    – DHAMMAAD –

    Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta,
    Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.