Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Baarlamaanka Puntland oo wada la-xisaabtanka xukuumadda Deni
    Puntland

    Baarlamaanka Puntland oo wada la-xisaabtanka xukuumadda Deni

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 23, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Baarlamaanka Puntland ayaa ku guda jira kulamo xasaasi ah oo kamid ah Kalfadhiga 55aad ee Golaha, kuwaas oo looga yeeray qaar kamid ah Wasaaraddaha Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, si loogula xisaabtamo shaqooyinka ay u hayaan shacabka Puntland.

    Masuuliyiinta Wasaaraddaha Amniga, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Qorsheynta iyo Waxbarashada Puntland ayaa hortagay xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, waxaana su’aalo muhiim ah laga waydiiyay adeegga bulsho ee ay bixiyaan. Wasiirada qaar ayaa la hordhigay caqabado ka jira shaqadooda iyo adeegyada Wasaaraddaha ay hayaan iyo musuqmaasuq lagu eedeeyay.

    Sabtida maanta ah, Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa hortagaya, waxaana si weyn isha loogu hayaa la-xisaabtanka hoggaanka wasaaraddan oo ah mid kamid ah Wasaaraddaha ugu muhiimsan ee Puntland, maamushana mashaariicda ballaaran oo la xiriira adeeg bixinta Dowladda.

    La-xisaabtanka Wasaaraddaha ee ay wadaan xildhibaanada Puntland ayaa ah mid si weyn loogu amaanay Golaha Wakiillada, shacabka ku sugan gudaha deegaanada Puntland iyo dibedda ayaana si weyn ula socda.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.