Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-Maxay ku kala duwan yihiin Kacdoonadii Dimishiq iyo Muqdisho?
    Somalia

    Faallo:-Maxay ku kala duwan yihiin Kacdoonadii Dimishiq iyo Muqdisho?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 10, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiir Balcad in uu soo xasuusto ridistii Siyaad Bare ma xuma oo waa Taariikh lkn,waxaa iyaduna mudan in lasoo xasuusto hab Dhaqankii USC ee ka danbeeyay.

    USC,waxay ahayd in ay nidaamka ilaaliso oo sugto amniga Muwaadiniinta iyo Xarumaha Maamulka,balse waxay ku dhaqaaqday Bililiqaysiga Hantidii Danta Guud iyo tii gaar ahaaneed,isla markaana,waxay layn ku bilowday Shacabkii caadiga ahaa ee ku haybta ahaa hogaamiyihii Taliskii Milleteriga.

    Maamulka Balcad haatan ka yahay Wasiirka,waxa uu 34-Sano kadib Wadanka ku celiyay isla Dhaqankii USC ee 91-dii.

    Kooxaha la wareegay Dimishiq ilaa iyo hada ma muujin Dhaqankii USC oo waxay dhawreen Xarumihii Qaranka,Amnigii Muwaadiniinta,waxayna cafiyeen Ciidankii iyo Madaxdii la Shaqaynaysay Asad,iyagoo Ra’isalwasaarihii Taliskii Milleteriga xurmeeyay oo amray in isagu haysto Sharciyad loogana danbaynayo talada ilaa uu Xilka ku wareejinayo Maamul KMG ah oo la dhisayo.

    Dadkii Calaawiyiinta ee reer Asad kasoo jeedeena looma haysto danbi gaar ah mana ahan bartilmaameed.

    Aragtida iyo Bisaylka,ayaa lays dheer yahay.

    USC,waxay ka lumisay Somaliya fursad weyn oo ay horay ugu sii socon lahayd mana ufurna Siyaasi ku abtirsada in uu ka hadlo burburin Qaran.

    Waxaa xusid mudan in Siyaasiyiintii kasoo jeeday Beeshii la laynayay Shacabkeeda 1991 ee ku haybta ahaa Hogaamiyihii Milleteriga ay dib uyagleeleen Dowladnimada Maanta Villa Somaliya ay ku haystaan haraagii USC.

    40-Sano kadib,Somaliya way kasoo kaban la’adahay hab Dhaqankii USC ee 1991-dii.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.