Maxamed Al-Bashiir,ayaa loo Magacaabay ku-simaha ra’iisul wasaaraha Siiriya.
Al-Bashiir,ayaa Madax ka ahaa Maamulka Xayaat Taxriir al-Shaam ee Gobolka Idlib.
Al-Bashiir,ayaa hogaamin doona Dowlad KMG ah ilaa 1-da March, 2025.
Magacaabistiisa kadib Al-Bashiir,waxa uu la kulmay Xubno ka tirsan Xukuumadii al-Assad.
Afhayeenka Arimaha Dibada ee Maraykanka,ayaa sheegay in aysan si gaar ah u aqoonsanayn Jamhada Xayaat Taxriir,balse ay Siiriya u aqoonsan yihiin Dowlad.
Wuxuu kaloo Afhayeenku taabtay in Maraykanku la soconayo sida ay ufuliyaan balamihii ay qaadeen Jamhadaha galay Dimishiq.
JQ.