Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweynaha Puntland oo Dhagax-dhigay Isbitaalka ugu weyn Geeska Afrika
    Puntland

    Madaxweynaha Puntland oo Dhagax-dhigay Isbitaalka ugu weyn Geeska Afrika

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 30, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 30 December 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo safar shaqo maanta kusoo gaaray Caasimada Puntland ee Garoowe, ayaa dhagax dhigay Isbitaalka ugu weyn Puntland ee International Healthcare System (IHS).

    Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay dhismaha Isbitaalkan casriga ah oo noqonaya kii u horeeyey ee noociisa ah islamarkaana laga hirgeliyo deegaaanada Puntland isaga oo dabooli doona baahiyihii Caafimaad ee loo aadi jiray dalka dibediisa.

    Madaxweynaha ayaa muujiyey sida ay dowladda Puntland uga go’an tahay garab istaaga, soo dhoweynta iyo dhiirigelinta cid walba oo maalgashanaysa dalkooda, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyey Dr. Darman Aden, MD, FACP oo ka socday Shirkada IHS Health Care System.

    Munaasabada waxa ka qayb galay Goleyaasha dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe, La-taliyeyaal Madaxweyne, wefti ka socda Shirkada IHS iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

    Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa dib ugu laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, oo ay ka socdaan dardargelinta Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland

    -DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.