Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dagaalka Qasa iyo doorka Dowlada Qatar
    Somalia

    Dagaalka Qasa iyo doorka Dowlada Qatar

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 11, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qatar oo dhex-dhexaadin ka wadda dagaalka Qasa ayaa sheegtay in ay Jimcihii u gudbisay ergayga Bariga Dhexe u qaabilsan Madaxweynaha dooran ee Maraykanka Donald Trump, Steve Witkoff, uguna faahfaahisay wada-hadalladii xabbad joojinta ee Qasa oo ay isla wadeen Masar iyo Maraykanka.

    Kulanka oo ka dhacay Doha ayaa Ra’iisul Wasaare Shiikh Maxammed bin Cabdulrahman bin Jassim Al-Thani waxa uu Witkoff kala hadlay “”xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka, gaar ahaan dadaallada lagu doonayo in xabad-joojin lagaga gaaro Marinka Gaza”, ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda Qatar.

    Horraantii bishaan, dhexdhexaadiyeyaasha ayaa bilaabay dadaal cusub oo lagu soo afjarayo dagaalka Gaza iyo sidii loo sii dayn lahaa tobonaan la haystayaal Israa’iiliyiin ah oo weli lagu haysto dhulka Falastiin.

    Ilo-diblomaasiyadeed ayaa tilmaamay in uu sii kordhayo cadaadiska caalamiga ah ee lagu saarayo Xamaas iyo Israa’iil in ay heshiis ku gaaraan wadahadallada dadban ee socda.

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Khamiistii sheegay in “horumar dhab ah laga gaaray” wadahadallada.

    Trump ayaa uga digay Xamaas in sida uu hadalka u yiri ay arki doonto “naar” haddii aysan sii deyn maxaabiista ku harsan ka hor caleema-saarkiisa 20-ka Janaayo.

    Laakiin dhowr falanqeeye ayaa aaminsan in ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu doorbidayo in heshiiska la gaaro marka uu talada la wareego Trump halkii la gaari lahaa maalmaha ugu danbeeya ee madaxtinimada Joe Biden.

     

    Xigadho:-VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    September 26, 2025

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.