Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay Wajigii Labaad Ee Dagaalka
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay Wajigii Labaad Ee Dagaalka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 30, 2025Updated:January 30, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boosaaso : 30 January 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta ka qeybgalay bandhiga Ciidan ee diyaargarowga wejiga Labaad ee Argagixisada looga sifaynayo Buuralayda Cal-miskaad, ayaa ugu hambalyeeyay Ciidanka ku sugan Cal-miskaad guulaha waaweyn ee ay ka gaareen wejigii koowaad ee hawlgalka. Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geesiyaashii ku shahiiday intii uu socday wejiga koowaad ee hawlgalka ka socda Cal-miskaad, intii ku dhaawacantayna wuxuu allaah uga baryay in caafimaad dhameystiran.

    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2025/01/AQMFdyAXakK0mK2hL5RNLoL5_93hep7Ucv5qCFm6wV8hmh_c_SjQ3uPEVzrs3HBMa8xtP8mPQ1cPoJf1bc7zJ1v5.mp4

    Madaxweynaha ayaa siweyn ugu boggaadiyey isku duubnida iyo garab Istaaga Ciidan ee ay sameeyeen dadka reer Puntland intii uu hawlgalka socday. Wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Haweenka Puntland oo garab istaag iyo dhiirigelin la garab taagan Ciidanka tan iyo markii uu bilowday Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2025/01/AQMTTbWWGyMUgqkXUeecg-EwA-_OKATgGO79kbZ9lPixpkQ-pJSydPGx9-24yDRulLLX3-yVMI3nscacXwhr16JF.mp4

    Munaasabadda diyaargarowga wejiga labaad ee hawlgalka argagixisada daacish looga ciribtirayo Cal-miskaad, waxaa lagu soo bandhigay cutubyo ka tirsan Ciidanka Dowladda Puntland oo soo dhameystay tababar gaar ah, isla markaasina ku qalabaysan hubka noocyadiisa kala duwan, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona wejiga labaad ee Howlgalka ka socda Cal-miskaad.

    – DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND -.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.