Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Talye Gaagaale oo Aas qaran loogu sameeyay Ceel-daahir
    Puntland

    Talye Gaagaale oo Aas qaran loogu sameeyay Ceel-daahir

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 6, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ceel-daahir, February 06, 2025 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaq Axmed Siciid, ayaa ka qeyb-galay aas qaran oo deegaanka Ceel-daahir loogu sameeyay Allaha u naxariistee G/sare Mukhtaar Qoryood iyo Cabdifataax Qoryood, kuwaas oo naftooda u huray difaaca dalka iyo amniga.

    Aaska qaranka waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Xildhibaanno, Wasiirro, Maamulka Gobolka Bari, Maamulka Degmada Carmo, iyo Guddiga Gurmadka, kuwaas oo dhammaantood muujiyey sida ay uga xun yihiin geerida labada geesi ee ku shahiiday dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee ku sugan Buuraleyda Calmiskaad.

    Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland ayaa uga tacsiyadeeyay waalidiinta, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo guud ahaan shacabka Puntland, isaga oo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno siiyo.

    “dhammaan ciidankeena waxay naftooda u hureen difaaca dalkooda, dhiiggooduna wuxuu noqonayaa dhaxal taariikhi ah oo lagu xasuusan doono. Dawladda Puntland waxaa ka go’an inay sii waddo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah, si loo sugo nabadda iyo xasilloonida dalkeena,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

    Dawladda Puntland iyo shacabka waxay si wadajir ah u garab taagan yihiin ciidamada geesiyaasha ah ee naf-hurnimada u muujiyey difaaca dalka.

    Ilaahay ha u naxariisto, Janatul Firdowsana ha ka waraabiyo.

    – DHAMMAAD –

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.