Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dolwadda Siiriya iyo Ciidamada Kurdiyiinta oo heshiis wada gaaray
    Somalia

    Dolwadda Siiriya iyo Ciidamada Kurdiyiinta oo heshiis wada gaaray

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 11, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxtooyada Siiriya,ayaa Isniintii ku dhawaaqday heshiis ay sheegtay in Isniintii shalay ay kala Saxiixdeen Dowladda Siiriya iyo kooxda hubeysan ee Kurdiyiinta Siiriya ee loo soo gaabiyo SDF.

    Dhinacyada ayaa sheegay inay ku heshiiyeen in SDF, oo maamusha gobolka Waqooyi-bari, ay ku biirto dowladda cusub, isla markaana ay ciidamadoodu la midoobaan kuwa dowladda.

    Maamulka cusub ee Siiriya, oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah Axmed Al-Sharaca, ayaa isku dayaya inuu kala diro kooxaha hubeysan ee maamula dalka, tan iyo markii xilka laga tuuray hoggaamiyihii muddada dheer xukumayay dalkaasi, Bashaar al-Assad, bishii December, kaddib in ka badan 13 sano oo dagaal sokeeye ah.

    Heshiiskan cusub, oo la filayo in la dhaqan geliyo dhammaadka sanadkan, ayaa yimid kaddib maalmo rabshado ah oo ka socday dhulka ay ku badan yihiin qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Calawiyiinta Siiriya, kuwaas oo wajahaya khatartii ugu cuslayd tan iyo markii la riday Assad.

    Madaxtooyada Siiriya,ayaa Isniintii daabacday bayaan ay saxeexeen labada dhinac, kaas oo dhigaya heshiis isku dhaf ah oo saameynaya dhammaan hay’adaha rayidka ah iyo kuwa milatari ee Waqooyi-bari Suuriya, oo ay ku jiraan xarumaha xuduudaha, garoomada diyaaradaha, iyo kheyraadka Saliidda iyo gaaska.

    Kooxda Kurdiyiinta SDF,ayaan isla markiiba ka jawaabin codsi AFP u dirtay oo la xiriiray inay ka hadlaan arrintan.

    Source:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.