Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ammaanka Saldhiga Turkiga ee Muqdisho oo aad loo adkeeyay
    Somalia

    Ammaanka Saldhiga Turkiga ee Muqdisho oo aad loo adkeeyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 26, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Ammaanka Saldhiga Turkiga ee Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, kadib Qaraxii isgoyska Zoobe ka dhacay 14-kii bishan, kaasi oo galaaftay nolosha dad gaaraya boqolaal qof.
     
    Idaacadda Risaala ayaa ogaatay in Ciidamo kale oo dheeraad ah lagu soo kordhiyay sugidda amniga saldhiga Turkiga ee Muqdisho, kadib Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda oo inala hadlay.
     
    Saldhiga ayaa lagu arkay gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada Turkiga, waxaana gudaha xerada ammaankeeda sugaya Ciidamo Turkish ah oo dhowaan Muqdisho la keenay.
     
    Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka uu sheegay Qaraxii Zoobe in loola dan lahaa saldhiga Turkiga uu ka furay Muqdisho.
     
    Saldhigan ayaa dhawaan lagu xareeyay illaa 1,500 Askari, halkaas oo lagu tababari doono, Saraakiil ka socota Turkiga ayaa ka qayb qaadan doona tababarka Ciidamada oo noqon doona markii u horaysay ee uu Turkiga gudaha Soomaaliya ku tababaro Ciidamo.
     
    Dhismaha ayaa ka kooban dhawr qaybood, sida dhismayaal kala duwan oo ay seexanayaan Askarta la tababaro, Masaajid, guryaha saraakiisha iyo Ciidamada Turkiga.
     
    Saldhigan, ayaa noqonaya kiisii ugu weynaa ee Turkiga uu ka furo meel ka baxsan dalkiisa, sidoo kale waxaa uu noqonaya saldhigii ugu weynaa ee Soomaaliya laga furo, tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Dhexe Militariga.
     
    Dhismaha Xeradan Militari ayaa ku taal dhanka Xeebta, wadada aada Jazeera, waxaana magaalada Muqdisho ay u jirtaa illaa 4-KM
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.