Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Garoowe Kusoo Xiray Shirweynaha Kalluumaysiga Soomaaliya.
    Somalia

    Video:-Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Garoowe Kusoo Xiray Shirweynaha Kalluumaysiga Soomaaliya.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 27, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 26 October 2017 Garoowe kusoo xidhay shirweynaha kalluumaysiga Soomaaliya oo  24 -26 bishan October  2017 ka soconayey Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland.

    Shirweynahan oo ay kasoo qayb galen Masuuliyiin ka kalayimi DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah DFS iyo ganacsatada reer Puntland ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey xidhitaankan shirkani Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi iyo masuuliyiinta Wasaaraddaasi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland  iyo hay’addaha shaqo wadaaga la ah Wasaaradda Kalluumaysiga.

    Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn soo dhoweeyey wufuudda ka kala yimid dawladda dhexe ee Soomaaliya iyo dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Fadaraalka  Soomaaliy, kuwaas oo ka qayb galay shirkani, waxaana uu Madaxweynuhu tilaamay in khayraadka maanta Soomaaliya laysku haylaynkaraa yahay Kalluumaysiga.

    Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay kalluumaysiga sharci darada ah ee Soomaaliya waddamada shisheeye ku xaalufiyaan baddeeda uu yahay masiibo qaran ayna dawladda Puntland sidaasi ku timaantay June 2014, Madaxweynaha ayaa xusay in  laban-laab ka badan tahay faa’iidada ay ka helaan jiriifayaashu badda Soomaaliya macaawimada beesha caalamku ugu deeqaan Soomaaliya.

    Dhinaca kale Madaxweyna ayaa sheegay in ay lamid tahay ama ka xuntahay jariifkaasi tan shacabka Soomaaliyeed qaarkood sameeyaan taas oo ah in ay dhoofiyaan argoosato tarmaysa oo sidda hal milyan oo ukun ah, waxaana uu Madaxweynuhu ku booriyey kalluumaysatada iyo shacabka Soomaliyeed in la illaaliyo oo la daryeelo argoosatada iyo waxyaalaha kale ee manfacale ee ku jira badda.

    Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga Soomaaliya iyo khayraadka Badda ayaa dhankiisa sheegay in DFS ku heelan tahay sidii ay wax uga qaban lahayd jariifka sharci darada ah ee ka jira guud ahaan badaha Soomaaliya, isla markaana waxa uu tilmaamay in loo bahan yahay in meel looga soo wad- jeesto joojinta jariifkaasi.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed inay la jaanqaadan adduunyada horumartey, isla mar’ahaantaana ay ka faa’iidaystaan khayraadkooda badda iyo kan farsamoba ee ay ku horumari karaan dalkooda iyo ganacsigoodaba,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.