Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Sarkaal katirsan Itoobiya oo lagu dilay Laascaanood
    Puntland

    Sarkaal katirsan Itoobiya oo lagu dilay Laascaanood

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 20, 2025Updated:May 26, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sarkaal sare oo katirsanaa Qunsuliyadda Dowladda Itoobiya ee Garoowe, Laguna magacaabi jiray Faarax Caydiid Jaamac ayaa lagu dilay magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool.

    Faarax ayaa la xaqiijiyay in lagala baxay hoygii uu ka deganaa Laascaanood, iyadoo meydkiisa laga banaanka magaalada, xilli ay dushiisa ku yaalleen jirdil loo geystay iyo xabaddo lala dhacay.

    Maamulka Sool Bari ee ka arimiya Laascaanood ayaa weli ka hadlin dilka Faarax Caydiid, oo u muuqda mid qorsheysnaa.

    Laascaanood ayaa kamid ah meelaha ay saameynta ba’an ku leeyihiin kooxaha argagixisada ah, gaar ahaan Al-Shabaab oo in muddo ah dilal ka geysan jirtay magaalada.

    Xogo sirdoon oo dhowaan soo baxay ayaana cadeynaya in bilihii u dambeeyay ay Al-Shabaab u ahayd aag muhiim ah oo ay gabaad iyo marin u ah xubnaha argagixisada Al-Shabaab ee jooga buuraleyda Cal-madow ee Puntland.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    January 8, 2026

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    January 8, 2026

    Trump oo taageeray Askarigii toogtay gabadhii Minnesota

    January 8, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Withdrawing the United States from International Organizations, Conventions, and Treaties that Are Contrary to the Interests of the United States

    Trump oo taageeray Askarigii toogtay gabadhii Minnesota

    War murtiyeedka ka soo baxay Carwada Technology Puntland

    Maraykanka oo joojiyay dhamaan gargaarkii DFS uu marsiin jiray

    Xildhibaanada Fadaraalka iyo kuwa PL iyo Mw Deni oo kawada xaajooday xaalka Dalka

    Madaxweyne Deni oo la kulmay Bulshada Rayidka ah

    Faallo:-Israa’iil oo ka dhabaysay aqoonsigii SL ay siisay.

    π–πšπ¬π’π’π«π€πš π€π«π«π’π¦πšπ‘πš 𝐃𝐒𝐛a𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚’𝐒𝐒π₯ oo ka degay Hargaysa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.