Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka oo ka horyimid siyaasadda Xassan Shiikh
    Somalia

    Mareykanka oo ka horyimid siyaasadda Xassan Shiikh

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 21, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley ayaa uga digay Madaxweynaha DFS, Xassan Shiikh Maxamuud in uu kusii socdo siyaasadda dhaawacaysa nidaamka Dowlad dhiska Soomaaliya.

    Kulanka dhexmaray Xassan Shiikh iyo Danjire Richard H. Riley ayaa lagu weydiiyay Xassan sababta keentay in uu iclaamiyo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee aan waafaqsaneyn xal u helida khilaafka Villa Somalia iyo Puntland iyo Jubbaland, xilli horey loogala hadlay in uu u yeero dhammaan dhinacyada qeybta ka ah madasha.

    Xassan Shiikh ayaa ka dhaga adeegay soo jeedin ka timid dhinaca Mareykanka, oo ah in dib loogu yeero dhammaan madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ay Jubbaland kamid tahay, ayna Soomaalidu xal ka gaadho khilaafka siyaasiga ah, si hor u socod looga sameeyo hannaanka Dowlad dhiska iyo dagaalka lagula jiro argagixisada.

    Intaa kaddib, kulanka ayaa kusoo dhammaaday is maan dhaaf soo kala dhex galay Xassan Shiikh iyo Danjiraha Mareykanka.

    Ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo xaqiijiyay in Mareykanku uu doonayo in la joojiyo howlgalka midowga Africa, iyo taageerada saaxiibada caalamiga ah ee dhanka Amniga, bedelkeedana la qabto shir degdeg ah oo ka dhaca dalka Ugandha, kaas oo looga arinsanayo xaalka cakiran ee Soomaaliya, runtana loogu sheego Xassan Shiikh.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    July 29, 2026

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni โ€˜๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐กโ€™

    July 28, 2026

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    July 28, 2026
    Latest Posts

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni โ€˜๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐กโ€™

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    QARDHO: Maamulka gobolka Karkaar oo mamnuucay hubka sharci darrada ah

    WAR-SAXAFADEED: Puntland uga digtay Galmudug in looga soo duulo

    Akhriso: Puntland oo baaq kasoo saartay dagaal beeleed ka dhacay Sanaag

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.