Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Rooble oo buuq ku furay kulamada Mucaaradka Xassan Shiikh
    Puntland

    Rooble oo buuq ku furay kulamada Mucaaradka Xassan Shiikh

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 27, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS – ayaa buuq ka abuuray kulamada mucaaradka diiddan Madaxweyne Xassan Shiikh, ee ka socda magaaladda Muqdisho.

    Rooble oo isniintii soo gaaray Muqdisho, ayaa la xaqiijiyay in uu ka horyimid qorshe la doonayay in Madaxweyne hore Shariif Shiikh Axmed, looga dhigo Guddoomiyaha Madasha Mucaaradka oo lagu dhawaaqayo.

    Wararka ayaa sheegaya in Maxamed Rooble uu dalbaday in doorasho laga dhigo Guddoomiyaha mucaaradka, taas oo ay iska diiddeen inta badan xubnaha mucaaradka ah ee ku sugan Muqdisho.

    Idilnews, ayaa ogaatay in siyaasiyiinta mucaaradka ah ay shaki ka qabaan daacadnimada mucaaraddada Maxamed Rooble, maadama la xaqiijiyay in uu dhaqaale xooggan ka qaato Villa Somalia, uuna xiriir dhow kala dhexeeyo Xassan Shiikh, oo doonayay in uu buuq ku furo, sidoo kalena kala jebiyo mucaaradka kasoo horjeeda ee diiddan qorshihiisa boobka doorashada.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    March 25, 2026

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.