Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Shariif oo digniin adag u diray Guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka
    Puntland

    Shariif oo digniin adag u diray Guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 27, 2025Updated:May 27, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xassan Shiikh iska horkeenida bulshada kunool Muqdisho, isagoo sheegay in uu meesha ka saaray degmo-nimada Koxda oo kamid ah degmooyinka Muqdisho, iyadoo cadaadis lagu saaray shacabka kunool in si khasab ah ay isku diiwaangeliyaan.

    Hoos ka akhriso qoraalka Shariif Shiikh Axmed.

    Waxaa nasiib darro ah hab-dhaqanka madaxda dowladda Federaalka ah ee lagu kala soocayo bulshada caasimadda islamarkaana laga isaga horkeenayo iyadoo qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho meesha laga saarayo sida Degmada Kaxda oo ay dadkeedu ka mid yihiin canshuur bixiyaasha dowladda.

    Waxaan sidoo kale cambaaraynayaa in shacabka Degmada Kaxda oo la ogyahay in loo diidanyahay xaquuqdooda degmanimo, haddana loogu daray cadaadis bulsho iyo in la rabo in qori caarradiis loogu qasbo isdiiwaangalin hubeysan iyo geedi-socod doorasho oo hal dhinac ah.

    Waxaan mar walba garab taaganahay xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin ka qaybgalka doorashooyin xor iyo xalaal ah oo loo simanyahay.

    Waxaan dhinaca kale uga digayaa guddiga doorashooyinka lagu muransanyahay inay ka waantoobaan cadaadiska ay saarayaan shacabka caasimadda oo hadda ay muuqato in lagu qasbayo hannnaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    January 8, 2026

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    January 8, 2026

    Trump oo taageeray Askarigii toogtay gabadhii Minnesota

    January 8, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Withdrawing the United States from International Organizations, Conventions, and Treaties that Are Contrary to the Interests of the United States

    Trump oo taageeray Askarigii toogtay gabadhii Minnesota

    War murtiyeedka ka soo baxay Carwada Technology Puntland

    Maraykanka oo joojiyay dhamaan gargaarkii DFS uu marsiin jiray

    Xildhibaanada Fadaraalka iyo kuwa PL iyo Mw Deni oo kawada xaajooday xaalka Dalka

    Madaxweyne Deni oo la kulmay Bulshada Rayidka ah

    Faallo:-Israa’iil oo ka dhabaysay aqoonsigii SL ay siisay.

    π–πšπ¬π’π’π«π€πš π€π«π«π’π¦πšπ‘πš 𝐃𝐒𝐛a𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚’𝐒𝐒π₯ oo ka degay Hargaysa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.