Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Cirro kulan la qaatay Raila Odinga
    Puntland

    Cirro kulan la qaatay Raila Odinga

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 2, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga ayaa kulan sagootin ah u sameeyay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo wafti uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

    Cirro ayaa sheegay in Odinga ay ka wada-hadleen iskaashiga dhexmari Kara Somaliland iyo Kenya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, isu socodka iyo Arrimaha istiraatiijiga ah ee gobalka Geeska Africa.

    “Waxa aan si qoto dheer uga wada-hadalnay xidhiidhka taariikhiga ah iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhaxaysa Mudane Raila Odinga iyo Jamhuuriyadda Somaliland. Sida oo kale, waxa aanu isla meel dhignay fursadaha iskaashi ee ka dhexeyn kara Somaliland iyo Kenya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, isu socodka, horumarinta aqoonta, iyo arrimaha istaraatiijiga ah ee gobolka” ayuu yiri Cirro.

    Raila Odinga ayaa kamid ah siyaasiyiinta Kenya ee sidda weyn u taageera qadiyadda gooni-goosadka Somaliland, waxaana la xaqiijiyay in uu door weyn ku lahaa booqashada Madaxweyne Cirro uu hadda ku joogo Nairobi.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    July 29, 2026

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni โ€˜๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐กโ€™

    July 28, 2026

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    July 28, 2026
    Latest Posts

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni โ€˜๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐กโ€™

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    QARDHO: Maamulka gobolka Karkaar oo mamnuucay hubka sharci darrada ah

    WAR-SAXAFADEED: Puntland uga digtay Galmudug in looga soo duulo

    Akhriso: Puntland oo baaq kasoo saartay dagaal beeleed ka dhacay Sanaag

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.