Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Mareykanka oo jaray taageerada Ciidamada DANAB
    Puntland

    Mareykanka oo jaray taageerada Ciidamada DANAB

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 3, 2025Updated:June 3, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Mareykanka ayaa gabi ahaanba joojisay taageerada ay siin jirtay ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee DANAB, sidda uu xaqiijiyay Guddiga Arrimaha Dibedda ee Aqalka Senate ee Mareykanka.

    Mareykanka ayaa sheegay in hoggaanka ciidamada DANAB ay lunsadeen saadkii ciidamada iyo raashinkoodii, iyadoo madaxda DFS ku guuldareysteen wax ka qabashada arrinta iyo in lala xisaabtamo kooxdii ku kacday musuqmaasuqa.

    β€œMareykanku ma dayacayaan Danab ama dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Taageerada Danab waxaa la bilaabay in si tartiib tartiib ah loo yareeyo sannadkii 2024 kadib markii hoggaamiyaasha Danab ay musuqmaasuqeen raashinka loo qoondeeyey, dowladda Soomaaliya-na ay ku guuldareysatay inay wax ka qabato arrintaas” ayaa lagu yiri qoraal uu baahiyay Guddiga Arrimaha Dibedda ee Senate-ka Mareykanka.

    Go’aanka ayaa ah fashilka kale oo dhanka Dowladnimada ah, oo ka dhashay hoggaaminta Xassan Shiikh.

    Mareykanka ayaa horrey u diidday in uu bixiyo qoondada dhaqaale ee taageerada ciidamada howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AUSSOM, taas oo abuurtay walaac la xiriira in uu fashilmo howlgalka. Al-Shabaab ayaa qabsatay deegaano muhiim ah oo katirsan koonfurta Soomaaliya.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    July 29, 2026

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni β€˜πƒπ‘π’π¬π¦πšπ‘πš π‚π’π’ππšπ§ 𝐠𝐚𝐚𝐫 πšπ‘β€™

    July 28, 2026

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    July 28, 2026
    Latest Posts

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni β€˜πƒπ‘π’π¬π¦πšπ‘πš π‚π’π’ππšπ§ 𝐠𝐚𝐚𝐫 πšπ‘β€™

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    QARDHO: Maamulka gobolka Karkaar oo mamnuucay hubka sharci darrada ah

    WAR-SAXAFADEED: Puntland uga digtay Galmudug in looga soo duulo

    Akhriso: Puntland oo baaq kasoo saartay dagaal beeleed ka dhacay Sanaag

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.